Tababaraha xulka qaranka Nigeria oo ay kamiradu qabatay isaga oo lacag qaadanaya

. Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption .

Tababaraha xulka qaranka Nigeria Salisu Yusuf, ayaa waxa qabtay Kamarooyiinka isaga oo lacag qaadanaya iyada oo laga wadaxaajoonayay qaabka ciyaartooyda loo xalinayo.

Muuqaalka oo uu duubay bishii September 2017 saxafiga Anas Aremeyaw ayaa lagu wareejiyay qaybta baaritaanada ee BBC ee Africa Eye.

Muuqaalkaan oo ay si qarsoodi ah u duubeen labo weriye ayaa muujinaya Salisu Yusuf oo ka qaadanaya lacago kaash ah labo weriye, lacagtaasi oo la sheegay inay ahayd kun doolar.

Weriyayaasha ayaa iska dhigayay inay yihiin wakilo kubada cagta ah oo doonaya labo cayaartoy oo uga qeybgala koobka Qaramada Afrika ee soo socda.

Majiro wax muujinaya lacagtaasi uu qaatay inay saameyn ku yeelatay xulashada kooxdiisa balse FIFA ayaa ka mamnuucday sarakiisheeda kubada cagta inay hadiyad ahaan u qaataan lacago kaash ah.

Mr Yusuf ayaa si cad ugu sheegay weriyayaasha in xulashada xulka uga qeyb galaya koobka Qaramda Qfrika ay ku saleysan tahay qaab cayaareedka laacibiinta.

Waxa uu BBC u sheegay inuu 750 dollr oo kaliya uu qaatay aysana ahayn kun dollar isla markaana uu rumeysanaa in lacagta intaas la eg u ogol yahay nidaamka anshaxa fifa.

Sikastaba, Ma uu rumeysno inuu meel ka dhac ku sameyeya anshaxa nidaamka ee FIFA.