Tijaabo laga qaaday gaadiidka mustaqbalka iyo natiijadii soo baxday

Koox ka mid ah kuwii tijaabada sameeyay Lahaanshaha sawirka Warr Hyperloop
Image caption Koox ka mid ah kuwii tijaabada sameeyay

Tartan loo galay sidii loosoo bandhigi lahaa gaadiidka mustaqbalka ee casriga ah ayaa waxaa ku guuleystay arday injineeriyadda barta oo ka yimid magaalada Munich.

Gaadiidkan cusub ayaa waxaa lagu orodsiiyaa xadiid dusha ka daboolan, wuxuuna awoodaa in uu ku socdo xawaare aad u sareeya, wuxuuna saacadii gaari karaa 457km.

Waa xawaarihii ugu sareeyay oo uu gaadiidka dhulka socon karo, waxaana la rajaynayaa in gaadiidkan oo lagu magacaabo Pod in uu noqdo gaadiidka mustaqbalka.

Hadda waxa uu ku jiraa heerkii tijaabada, waxaana suurtagal ah in magaalooyinka qaar laga hirgaliyo.

Tartankan ayaa waxa uu ka dhacay jaamacadda California ee dalka Maraykanka, waxaana fikaraddan sii taageeray ninka tiknoolajiyadda ka hodmay ee lagu magacaabo Elon Musk.

Lahaanshaha sawirka SpaceX
Image caption Dhabaha gaarka ah ee loo dhisay gaadiidkan ayaa waxaa laga saaray hawada

Mowduucyada la xiriira