Haweenay maxkamadi ka diiday in ninkeeda looga fasaqo farxad la'aan

Haweenay

Xigashada Sawirka, PA

Haweenay doonaysa in ninkeeda laga furo, iyadoo sabab ka dhigaysa in aysan ku faraxsanayn ayay maxkamad sare ka diiday racfaan ay gaysatay.

Tini Owens oo 68 jir ah oo ka soo jeeda deegaanka Worcestershire ee dalka Britain ayaa doonaysay in maxkamaddu ka fasaqdo ninkeeda oo ay afartan sano is qabeen.

Maxkamadda sare ayaa isku raacday diidmada racfaankii ay soo gudbisatay, arrintaas ayaana ka dhigan in ay isa sii qabi doonaan tan iyo 2020ka.

Owens waxay sheegtay in ay "ka xumaatay" go'aankaas isla markaasna aysan nolosheedu sidaas ku sii socon karin.

Lamaanahan ayaa is guursaday 1978dii, waxayna isu dhaleen labo carruur ah oo qaangaar ah.

Owens waxay sheegtay in ay furniin doon ahayd tan iyo 2012kii, balse aysan ka tagin gurigii lagu qabay wixii ka horreeyay bishii Feebaraayo ee sannadkii 2015kii.

Xigashada Sawirka, PA

Waxay sheegtay in guurkoodu uu burburay, Owens-na uu u dhaqmay qaab aysan kula noolaan karin oo aysan aqbali karin.

Ninkeeda Owens oo 80 jir ah ayaa diiday in uu furo xaaskiisa wuxuuna iska fogeeyay dabeecadaha lagu sheegay.