Gabar is hor taagtay nin lagu celin lahaa Afgaanistan

Lahaanshaha sawirka FACEBOOK/ELIN.K.ERSSON
Image caption Alin Ersson waxay diiday inay fariisato ilaa ninka dayaaradda laga dejiyey

Is hortaag ay gabar ololaysa oo Swedish ah ku hor istaagtay in dib loo celiyo nin Afgaanistan u dhashay oo qaxooti ah ayaa aad looga soo dhaweeyey baraha bulshada.

Elin Ersson oo ah ardayad jaamacad dhigata ayaa saarnayd isla dayaaraddii uu saarnaa ninkaas, waxayna diidday Isniintii inay fariisato, ilaa iyo in ninkaas dayaaradda laga dajiyo mooyee.

Si toos ah ayaa looga daawanayey Facebook diidmadeeda, ayadoo is mari waa uu dhex maray qaar ka mid ah rakaabkii iyo shaqaalihii dayaaradda.

Jawaabaha laga bixiyey ayaa badidood ahaa kuwo ficilkeeda lagu taageerayey, inkastoo dadka qaar ay ku eedeeyeen inay doonaysay oo kaliya in iyada lagu mashquulo.

Wixii markaa ka dambeeyey waxaa fiidiyowgaas la wadaagay ku dhawaad laba milyan oo goor.

Lahaanshaha sawirka FACEBOOK/ELIN.K.ERSSON
Image caption Ra'yiga dadkii taageerayey

Ms Ersson waxay u sharraxday rakaabka kale iyo dadka Facebook ka daawanayey inaysan ku raacsanayn siyaasadda dib u celinta dadka ee Sweden, taasoo Afgaanistan ka dhigaysa dal nabdoon oo lagu celin karo dadka la diido codsiyadooda magangelyada.

Waxay sheegtay in Afgaanistan uu yahay waddan ay dhici karto in "ninkaas lagu dili doono", waxayna intaa sii raacisay "waxaan samaynayaa wax walba oo karaankayga ah oo aan qofkaas noloshiisa ku badbaadin karo".

"Ilaa iyo inta uu qof taagan yahay duuliyuhu dayaaradda ma duulin karo. Waxa kaliya ee aan samayn karo waa in aan joojiyo dib u celinta, ka dibna waxaan u hogaansamayaa shuruucda" ayey tiri

Lahaanshaha sawirka FACEBOOK/ELIN.K.ERSSON
Image caption Qaar kale oo ka mid ah dadkii ra'yigooda dhiibtay

Fiidiyowga ayaa muujiyey sida ay markii hore shaqaalaha dayaaradda, markii dambena dhowr ka mid ha rakaabka, u weydiisteen inay fariisato oo ay joojiso fiidiyowga.

Intii uu is mari waagu socday waxay sheegtay in dhowr qof oo iyaguna saarnaa dayaaradda ay istaageen, ayadoo qaarkood ay taageerayeen, qaarna ay doonayeen inay arkaan waxa meesha ka socda.

Ficilkeeda ayaa aakhiritaankii keenay in ayada iyo ninkii 52jirka ahaa ee reer Afgaanistan dayaaradda laga dejiyo.

Ninka waxaa dayaaradda la saarnaa saraakiil ka tirsan maamulka xabsiyada ee Sweden.

Dhibaato ma la kulmi kartaa gabadhaas?

"Kiisaska magangelyo doonka waxaa go'aan ka gaara hay'adda socdaalka", sidaa waxaa BBC u sheegay Ulf Mossberg oo ah sarkaalka u qaabilsan arrimaha warfaafinta. "Hadday go'aan ku gaaraan in qof dib loo celiyo, waxay qofka ku wareejiyaan booliska xuduudaha, ka dibna boolisku wuxuu na weydiisan karaa gaadiid.

Waxa ka dhacay duullimaadkan wuxuu ahaa in duuliyihii dayaaradda uu go'aansaday in shaqaalaheenna iyo ninka rer Afghanistan aan loo ogolaan inay dayaaradda raacaan" ayuu sii raaciyey.

Warar ay warbaahintu qortay ayaa lagu sheegay in ay u badan tahay in ninkaas goor dambe la dhoofin doono, gabadhana ay wajihi doonto cawaaqib xagga sharciga ah oo la xiriira ficilladeeda. Rakaabka dayaaradda ayaa waxaa khasab ku ah inay raacaan amarka kabtanka.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Doomaha muhaajiriinta sida ayaa weli ka gudbaya badda Mediterranean.

Dib u celinta dadka muhaajiriinta ah ayaa waxay tahay arrin Yurub dhexdeeda uu muran ka taagan yahay.

Sannadihii dhawaa waxaa qaaradda gaaray soo galooti ka kala yimid Afrika, bariga dhexe iyo Afgaanistan.

Doomaha dadka sida ee ka tallaaba badda Mediterranean ayaa wajahaya diidmo isa soo taraysa, waxaana ku adkaanaysa inay helaan deked ay ku xirtaan.

Horraantii bishan, wasiirka arrimaha gudaha ee Jarmalka ayaa waxaa qabsaday cadaadis ku khasbay inuu ku sigto inuu is casilo, ka dib markii uu ku kaftamay in 69 qof ee reer Afghanistan ah dib loo celiyey sannadguuradiisii 69aad.

Mid ka mid ah kooxdaas ayaa markii dib loo celiyey is dilay.