Dadka magaalada Jigjiga oo ka cabanaya shimbiro dool ku yimid oo ay dhibsadeen
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dadka magaalada Jigjiga oo ka cabanaya shimbiro dool ku yimid oo ay dhibsadeen

Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa lix bilood la soo dhaafay ku soo badanayay shimbiro dool ku yimid oo qabsaday geedihii harka lahaa ee ku yiilay magaalada.

Shimbarahan oo aan horey loogu arki jirin magaalada ayaa ah kuwo waaweyn oo cad-cad dhabarkuna u madow. Dadka magaalada baad iyo biyo toona kuma ciriiriyaan shimbirahani balse waxaad moodaa in looba soo diray madaxda lebisan iyo ardayda ku lebisan direyska iskuul oo marka ay geedaha iyo fiilooyinka korontada hoos marayaan ay dusha uga soo xaaraan.

Waxaaba ka sii daran dadkii magaalada oo ay haysata laba daran mid dooro oo ah in la jaro dhammaan dhirta ku taal magaalada iyo in loo dul qaato xaarka, urka iyo qeylida shimbirahani.

Cabdinaasir Sheekh MAXAMED Xikam ayaa ka waramaya.