Dowladda Gariiga oo baaraysa waxa dhaliyay dabkii ay dadka badan ku dhinteen

Magaalada Mati ayaa ah goobta sida ba'an uu dabkan ugu dhuftay Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Magaalada Mati ayaa ah goobta sida ba'an uu dabkan ugu dhuftay

Dowladda Gariiga ayaa sheegtay in ay rumaysan tahay in dabkii ay dadka badan ku dhinteen si ula kac ah loo bilaabay.

Wasiir ku xigeenka difaaca muwaadiniinta (Nikos Toskas) ayaa sheegay in ay jiraan caddeymo muujinaya in dambiilayaal ay ku lug lahaayeen dabkaasi.

Waxa uu sidoo kale sheegay in imika la bilaabay baaritaano la xiriira dabka ay dadka badan ku dhinteen.

Mar sii horeysay wasiirka gaashaandhiga dalkaasi ayaa sheegay in dhismooyiin si sharci daro ah loo dhisay ay xireen wadooyiinkii ay dadka ku baxsan lahaayeen.

Balse dad careysan oo ka mid ah kuwii ka badbaaday dabka ayaa waxay saraakiisha dalkaasi ku eedeeyeen in ay ka gaabiyeen ka jawaabida dabkani.

Ugu yaraan 83 qof ayaa ku dhimatay dabkaasi.

Waxaa wali la la'yahay meel ay jaan iyo cirib dhigeen toboneeyo qof isalamarkana 11 ka mid dadka dhaawacmay ayay xaaladooda halis tahay.

Mowduucyada la xiriira