Qarax ka dhacay meel u dhow safaaradda Maraykanka ee Beijing

Boolis ag jooga dhismaha safaaradda Maraykanka ee Beijing Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Boolis ag jooga dhismaha safaaradda Maraykanka ee Beijing

Nin ayaa qarax yar ka gaystay meel u dhow safaaradda Maraykanka ee Beijing, sida ay saraakiishu sheegeen.

Marka laga reebo ninka weerarka qaaday, ma jiro wax dhaawac ah oo la soo sheegay, saraakiishuna waxay sheegayaan in boolisku uu si dhakhsiyo leh uga hawl galay.

Fiidiyow iyo masawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujiyey qiiq ka baxayey meel u dhow safaaradda oo ku taalla bartamaha caasimadda Shiinaha, ayadoo dadweynana ay ku soo xoomeen.

Warbaahinta dawladda ayaa soo xigatay dad sheegay inay maqleen "Qarax sidii onkod oo kale ah".

Hadal ay soo saartay safaaradda ayaa lagu sheegay in aaladaas oo ay ku tilmaameen inay bambo ahayd, ay ku qaraxday 1dii duhurnimo ee xilliga dalkaas geeska koofur bari ee dhismaha.

Booliska Beijing waxay ku tilmaameen "qalab loo malaynayo waxyaabaha cirka loo tuuro marka xafladaha la qabanayo".

Ninka wax qarxiyey ayaa wuxuu dhaawac ka soo gaaray gacanta, laakinse waxaa la sheegay in noloshiisu aysan wax khatar ah ku jirin, ayadoo degdeg loogu qaaday isbitaal.

Booliska ayaa magaciisa ku sheegay Jiang, waxayna intaa ku dareen inuu ka yimid gobolka Mongolia.

Weriye BBC ka tirsan oo halkaa tegey wuxuu sheegay in hawlihii caadiga ahaa ay ka sii socdeen safaaradda, ayadoo dadkuna ay Fiisooyin saf ugu jireen.

Warar goor hore soo baxay waxay sheegeen in boolisku ay halkaa ka qabteen haweeney doonaysay inay dab isku qabadsiiso meel u dhow safaaradda, dhowr saacadood ka hor qaraxa.

Ma cadda in labada arrimood ay isku xirnaayeen.

In weerarro lagu qaado goobo ku yaalla Shiinaha ayaa dhif iyo naadir ah.

Shilkii ugu darnaa ee sanooyinkii dhawaa dhaca ayaa wuxuu ahaa gaari ku soo dhex dhacay dad ku xoonsanaa fagaaraha Tiananmen 2013, halkaasoo ay ku dhinteen 5 qof oo ay ku jiraan qolyihii weerarka qaaday.

Shiinuhu waxay ku eedeeyeen inay shilkaas ka dambeeyeen muslimiinta gooni u goosatada ah ee Uighur.

Mowduucyada la xiriira