Iska horimaad dhexmaray dibadbaxayaal Falastiiniyiin ah iyo askarta Israa'iil

Booliiska Israa'iil Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Booliiska Israa'iil

Saraakiisha caafimaadka magaalada Gaza ayaa waxa ay sheegeen in labo qof oo Falastiiniyiin ah ay ku dhinteen rasaas ay fureen ciidamada Israa'iil.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah cunug jira 14 sano.

Falastiiniyiinta ayaa shalay oo Jimco ahayd dibadbaxyo ka dhigay xudduuda Israa'iil.

Dibadbaxyadani oo socday labadii toddobaad ee ugu dambeeyay ayaa sababay iska horimaadyo u dhaxeeya kooxda Xamas iyo ciidamada Israa'iil.

Labada dhinac ayaa waxa ay qarka u saaran yihiin dagaal kale oo dhexmara.

Mar sii horreysay booliiska Israa'iil ayaa galay deerta misaajidka barakeysan ee Al-aqsa ee ku yaalla magalada Qudus.

Booliiska ayaa halkaasi u galay si ay u kala ceyriyaan dad Falastiiniyiin ah oo dibadbax dhigayay.

Booliiska ayaa xiray albaabka laga galo misaajidka balse markii dambe ay fureen.

Mowduucyada la xiriira