WHO: Cudurka Cagaarshowga malaayiin qof ayuu sanad walba soo ritaa
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

WHO: Cudurka Cagaarshowga malaayiin qof ayuu sanad walba soo ritaa

Cudurka Cagaarshowga waa cudur dhibaato wayn ku haya bulshada caalamka, sidaas daraadeed sanad kasta 28 ka Luuliyo waxa loo asteeyay maalinta Cagaarshowga aduunka si bulshada loogu wacyi galiyo khatarta iyo ka hortaga cudurkan halista ah ee sida aamusan dadka u dila.

Sida ay sheegtay hay'adda caafimaadka aduunka ee WHO sanad kasta waxa uu cudurku soo ritaa dad lagu qiyaasay 325 Milyan oo qof aduunka oo dhan iyadoo sanad kasta ay u dhintaan 1.34 milyan oo qof.

Haddaba si aan u eegno xaaladda cudurka ee Soomaaliya iyo khatarta uu ku hayo bulshada Soomaaliyeed ayaa weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibrahim Maxamad Adan waxa uu la hadlay Dr Cusmaan Maxamuud Dufle oo ku takhasusay cudurada ku dhaca beerka iyo dheefshiidka.