Cullimada Kenya oo walaac ka muujiyay safiir loo magacaabay Sacuudiga
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Culimada Kenya oo walaac ka muujiyay safiir loo magacaabay Sacuudiga

Iyadoo dhawaan madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta uu dalal dibadda ah u magacaabay safiiro dhowr ayaa golaha sare ee Musliminta waddanka Kenya waxaa ay kasoo horjeesteen safiirka loo magacaabay dalka Sacuudiga.

Cullimada dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegeen in safiir aan Islaam aheyn oo loo magacaabay dalka Sacuudiga aysan waxtar u laheyn dadka Muslimiinta.

Haddaba walaaca ay qabaan culimada ayaa weriyaha BBC-da Bashiir Maxamed Caato waxaa u wax ka weydiiyay Sheeikh Maxamed Ibraahim Shakuul oo kamid ah culimada Kenya.