Ururka Suxufiyiinta Somaliland oo walaac ka muujiyay waxka baddalidda xeerka saxaafadda
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ururka Suxufiyiinta Somaliland oo walaac ka muujiyay waxka baddalidda xeerka saxaafadda

Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa walaac ka muujiyay xeerka saxaafadda oo la doonayo in wax laga badalo oo lagu kordhiyo qodobo ciqaab ah, iyadoo haatan uu ku jiro ajendayaasha horyaala golaha wakiilada.

Gudoomiyaha ururka saxafiyiinta SOLJA Maxamuud Jaamac Xuuto ayaa waxaa kale oo uu ka hadlay wargeysyo muddo dheer xayiran iyo suxufiiyiinta oo la iska xiro iyagoon maxkamad la saarin.

Wuxuu magaalada Hargeisa ugu warramay weriyaha BBC Axmed Saciid Cige oo ugu horeyn weydiiyay walaaca ay ka qabaan wax ka bedelka xeerka saxaafadda.