Maqal iyo Muuqaal: Kheyre oo Garowe tegey
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maqal iyo Muuqaal: Kheyre oo Garowe tegey

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa maanta duhurkii gaaray magaalada Garowe, xarunta maamul goboleedka Puntland.

Bartamaha magaalada ayuu kula hadlay boqolaal qof isu soo baxay.

Wuxuu ka mahadceliyey soo dhoweynta ay reer Garowe u fidiyeen, isagoo aad u isticmaalay ereyo uu ku amaanayo Puntland sida "dhulkii xuddunta u ahaa halgankii daraawiishta, dhulkii saldhigga u ahaa horumarka iyo ilbaxnimada Soomaaliyeed, magaalada garowe oo ah hooyadii federaalka".

Hore waxaa Garowe u sii joogay wafdi hordhac ah oo ka soo horreeyey Ra'iisul wasaare Khayre.

Image caption Khayre oo shacabka gacan qaadaya

Waa markii ugu horraysay ee uu tago Puntland, tan iyo intii loo magacaabay ra'iisul wasaaraha, waxaana lagu wadaa in uu ka qayb galo xuska 20 guuradii ka soo wareegtay markii la aasaasay maamulka Puntland.

Waxaa kale oo la filayaa inuu tago deegaanno kale oo Puntland ka tirsan, walow aan la sheegin meelaha ay yihiin.

Mowduucyada la xiriira