Waa side xaaladda doorashada dalka Zimbabwe?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waa sidee xaaladda doorashada dalka Zimbabwe?

Waxaa dalka Zimbabwe ka soconaya codbixinta doorashada guud halkaas oo isbahaysiga mucaaradku ay rajaynayaan inay ka guulaystaan xisbiga talada haya.

Doorashooyinkan baarlamaaniga iyo madaxtinimada ayaa yimid kaddib markii sanadkii la soo dhaafay xilka laga qaaday madaxweyne Robert Mugabe.

Emmerson Mnangagwa wuxuu rajaynayaa inuu sharciyeeyo xukunkiisa , markii uu codkiisa dhiibtay wuxuu sheegay in doorashadu ay si wanaagsan ku socoto halka hogaamiyaha Xisbiga mucaaradka ee MDC, Nelson Chamisa uu isna sheegay inuu ku kalsoon yahay inay guulaysan doonaan

Haddaba sidey ay ku socoto codbixinta, waxaan khadka taleefanka dalka Zimbabwe kula xiriirnay Ismaaciil Maxamed Jaamac oo degan dalkaasi.

Wuxuu u warramay weriyaha BBC Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.