Mareykanka: Rakaabka diyaaradaha oo si qarsoodi ah loo dabogalo

. Lahaanshaha sawirka Getty Images

Maamulka Amaanka Gaadiidka ee Mareykanka (TSA) ayaa waxa ay wajahayaan dhaleeceyn ku aaddan sida qarsoodiga ah ay ula socdaan rakaabka shacbka Maraykanka ee ku safraya diyaaradaha, warbaahinta Mareykanka ayaa sidaasi sheegtay.

Barnaamijkaan ayaa la soo sheegayaa in uu isticmaalo hab daahsoon oo lagu socdo dhaqa-dhaqaa dadka saaran duulimaadyada isaga kala goosha wadanka gudihiisa.

Saraakiisha hawada ee loo xilsaaray la socodka iyo baarintaanada diyaaradaha ayaa waxaa walaac ka muujiyay qaabka ay u maareeyaan barnaamijka, sida ay sheegtay warbaahinta Mareykanka.

TSA ayaa iska fogeeysay in ay si cunsuriyad ah diwaangalinta u sameeyso waxa ayna sidoo kale sheegtay in barnaamijkaan uu yahay mid wax ku ool ah.

Barnaamijka waxa uu baaritaanada u sameynayaa si sharciga waaqaqsan, habkan waxaa uu ka hortagayaa in ay dhacaan ficilo argagixisonimo ah, kuwaasi oo ka dhaca meel dhulka u jirta ilaa 30,000 oo fiit. Hay'adda ayaa sidaasi u sheegtay BBC-da.

Muxuu yahay barnaamijkan?

Waxaa loogu talagalay in lagula socdo diyaaradaha hawada kujira oo TSA loo soo gudbiyo ficil kasto oo shaki iyo cabsi abuuraya.

Khasab ma ahan in rakaabka saaraan diyaaradaha lala xiriirinayo falal argagixisanimo amaba looga shakisanyahay in ay dambi sameyeen.

Rakaabka saaran diyaaradaha lama ogeeysinayo in dadka lagala socdo barnaamijkan oo loogu magac daray "Hawada Deggan"

Barnaamijka markii hore waxa uu ahaa mid qarsoodi ah oo aan cidna la socon, balse waxa uu socday tan iyo 2010.

Maxay tahay waxa ay saraakiishu doonayaan in ay ogaadaan?

Barnaamijka marka hore waxa uu isticmaalaaya hab casri ah oo lagula soconayo dhaq-dhaqaaqa iyo xiriirka uu sameeynayo qofka saaran diyaaradda.

Kadibna saraakiisha ayaa fiirinaya maclumaadka rakaabka, isla markaana waxa ay ogaanayaan in qofkaan uu baahanyahay in la sii daba galo iyo inkale.

Muhiimadda barnaamijkan ayaa ah in rakaabka saaran diyaaradaha amaankooda sugu inta ay hawada ku jiraan.

Waxyaabaha saraakiisha qofka ay ka fiirinayaan waxaa ka mid ah:

Dhaq-dhaqaaq xad-dhaaf ah

Dhidid farabadan

Qarqaryo iyo qaboow farabadan

Muddada uu qofka seexanayo inta uu saaranyahay diyaaradda

Eegmo xad-dhaaf ah

Muddada uu qofka seexdo inta uu saaranyahay diyaaradda

Isticmaalka telefoonka gacanta ee smartphone-ka loo yaqaan

Afhayeen u hadlay hay'adda ayaa sheegay in haddii qofka rakaabka ah lagu dareemo dhaqamo shaki keenayo ayna diyaaradda si caadi ah usocoto, isla markiiba horay lagama abaarayo oo lama xirayo.

TSA waxa ay ilaalineysaa in waxa ay sameynayaan aysan u muuqan kuwa midab takoor iyo diinba ku salaysnayn.

Maxay tahay TSA?

Waxaa la aasaasay sanadkii 2001, wax yar un kadib weeraradii ka dhacay magaalada New York 9/11/2001, kaas oo ay ku dhawaad 3,000 oo qof ay ku dhinteen.

Hay'adda waxa ay hoos timaadaa wasaaradda amniga gudaha waxa ayna qiyaas ahaan maalin walba baartaa 2.1 milyan oo rakaab ah.

TSA marar badn ayaa lagu dhaleeceeyay sida ay wax u baarto oo lagu sheegay in ay tahay mid anshax ahayn.

Mowduucyada la xiriira