Cabdiraxman Cumar Cabdillahi
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

''Wiil Soomaali ah oo cidammada Sacuudigu curyaan ka dhigeen"

Cabdiraxman Cumar Cabdillahi waa 31 jir uu dhaawac culus ka soo gaaray xili beer uu ka shaqaynayay ay soo galeen ciidamada ammaanka ee dalka Sucuudiga oo ku raad joogay dadka sharci darada ku jooga dalkaasi.

Cabdiraxman oo BBC-da la hadlayay ayaa sheegay in ciidanku ay jiirsiiyeen gaari ay wateen, markii uu dhaawcmay na aan la gayn isbitaal.

Cabdiraxman oo hadda kunool maagalada Muqdisho ayaa waxaa uu qabaa dhaawac halis ah oo kasoo gaaray qaybta dambe ee jirkiisa oo aan wax dareen ah lahayn.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibrahim Maxamad Adan oo gurigiisa ku booqday Cabdiraxmaan ayaa kala sheekeystay xaaladiisa.

Mowduucyada la xiriira