Kaalinta Hagbada ay ku leedahay dhaqaalaha Soomaalida

Kaalinta Hagbada ay ku leedahay dhaqaalaha Soomaalida

Warsame Maxamuud Axmed oo ah agaasimaha qeybta cilmi baarista ee jaamicadda Hargeysa ayaa wuxuu shirweynihii daraasaadka Soomaalida ee lagu soo gebogabeeyay jaamicadaasi dhowaan uu kusoo bandhigay daraasad uu sheegay inuu soo waday shantii sano ee lasoo dhaafay.

Daraasadan ayuu sheegay inay ku saabsaneyd hagbada ama ayuutada iyo kaalinta ay ku leedahay dhaqaalaha Soomaalida .

Wuxuuna daraasdaan uga waramay weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige.