Safaaradda oo ka guureysa meeshii hore ayaa iska iibinaysa alaabo la yaab leh

Qaar ka mid ah alaabaha ay safaaradda gadayso waxaa ka mid ah qalabka nadaafadda iy waraaqaha musqulaha Lahaanshaha sawirka US State Department
Image caption Qaar ka mid ah alaabaha ay safaaradda gadayso waxaa ka mid ah qalabka nadaafadda iy waraaqaha musqulaha

Safaaradda Maraykanka ee London ayaa xaraashaysa agab badan oo aanan muhiim u ahayd maadaamaa ay sanadkan u guureyso dhismo cusub oo ay ku kacday lacag dhan $1 bilyan oo doolar.

Waxaa ka mid ah qalabka nadaafadda oo jabay, gaari iyo 1200 oo ah waraaqaha suuliga lala galo.

Waxaa la sheegay in qalabkan aysan ku oolin astaanta rasmiga ah ee Maraykanka, taas oo caadi ka dhigaysa in ay dad kale iibsadaan.

Safaaradda ayaa u guurtay dhismaheeda cusub ee Mayfair, London bishii janaayo, balse hawsha waxa ay bilaabatay sanadkii 2008-dii xiligaas oo uu joogay madaxweyne George W Bush sababo la xiriira amniga.

Lahaanshaha sawirka US State Department

Waraaqaha suuliga ayaa lagu gadayaa lacag dhan $199.

Gaariga oo noociisa yahay Volvo ayaa waxaa lagu iibinayaa $8,427.

Qalabka nadaafadda ee siigada jiida ayaa waxaa lagu iibinayaa $15 doolar, halka leerka miisaska ee wax lagu akhristo lagu iibinayo $75 doolar.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Dhismaha safaaradda cusub ee London

Madaxweyne Trump ayaa bishii Janaayo ka cawday meesha cusub ee safaaradda loo rara, wuxuuna ku eedeeyay maamulkii ka horeeyay in ay safaaradda u rareen meel aanan ku habboonayn.

Safaaraddii hore ayaa waxaa laga kireeyay shirkad Qatar laga leeyahay oo lagu magacaabo Qatar Diar, taas oo hoteel ka dhigaysa hadda.

Dhismaha ma aysan lahayn dowladda Maraykanka ee waxa ay kiro ku daganayd muddo dhan 999 sano, waxaana leh shirkadda Grosvenor Estates.

Mowduucyada la xiriira