Maxkamad Maraykanka ku taala ayaa joojisay qoriga 3D

Qori 3D ah

Xigashada Sawirka, AFP/Getty

Qoraalka sawirka,

Qori 3D ah

Garsoore ku sugan dalka Maraykanka ayaa soo saaray xukun uu ku hor joogsanayo qorshe maanta internetka loogu faafin lahaa naqshadda qori cusub oo ay dadka ku samaysan karaan guryaha.

Qorigan caagga ka samaysan, balse xabbadaha nool nool ay ka dhacaan ayaa waxaa loo yaqaanaa 3D, waxaana daabacan kara qof kasta oo haysta makiinadaha 3D loo yaqaano oo u dhow sida kuwa waraaqaha lagu daaboco.

Shirkadda Defense Distributed ayaa boggeeda galisay naqshadda qoriga cusub oo uu qof kasta daabacan karo, waxayna rajaynayaa in ay dadka si sahlan u helaan qori oo ay isaga difaacaan weerarada ragga hubeysan.

Shirkadda ayaa bishii June heshiis la gaartay maamulka June, si ay u daabacdo qoriga si sharciga waafaqsan.

Balse 8 gobol iyo degmada Columbia ayaa dowladda ku dacweeyay arrinkan , taas oo keentay in uu xaakimka joojiyo.

Garsooraha heerka degmo Robet Lasnik ayaa soo saaray xukun si kumeel gaar ah loogu hakinayo soo daabicista naqshadan qoriga, isaga oo ku dooday in ay halis ku yihiin badqabka shacabka.

Qoraalka sawirka,

Cody Wilson ayaa noqday qofkii ugu horeeyay ee ridda xabbadda qoriga 3D-ga sanadkii 2013

"Makiinadaha lagu daaboco alaabaha 3D-ga waxa ay yaalaan kuleejyada iyo meelaha dadweynaha isugu yimaadaan, waxaana suurtogal ah in habkan cusub ay ka timaado khatar" ayuu yiri xaakimka.

Inkasta oo ay ahayd in shirkadda ay maanta internetka galiso naqshadda, haddane todobaad ka hor ayay galisay 9 nooc oo qooryahan ka mid ah naqshadooda, waxaana la dagay kun qof, gaar ahaan naqshadda qoriga AR-15, kaas oo inta badan loo isticmaalay toogashooyinkii dadka badan ay ku dhinteen ee Maraykanka ka dhacday.

Xigashada Sawirka, AFP/Getty

Qoraalka sawirka,

Qorigii ugu horeeyay ee noocan ah waxaa la daabacay 2013-kii

Walwalka ugu badan ee jira ayaa ah in qorigan aysan jirin meel loo raadraaco halka laga soo gatay, maadaamaa aysanba jirin dukaan laga gato, oo inta qofka naqshadda la dago uu gurigiisa ku daabacan karo.

Qoryaha caadiga ah ee hadda Maraykanka laga isticmaalo ayaa laga iibsadaa dukaamo hubka iibiya, kuwaas oo diiwaangaliya xogta qofka iibsanaya, halkaas oo marka dambe booliiska ka tixraacaan haddii qori lagu geysto wax dambi ah.

Waxaa kale oo jirta in qorigan cusub si sahlan loola dhaafi karo meelaha hubka lagu baaro ee dadweynaha sida garoomada, hoteelada iyo dhismayaasha dowladda, halkaas oo ay yaalaan qalab birta sheega oo sahlaya in qofkii qori wata la qabto.

Maadaamaa qorigan uusanba ka samaysnayn wax bir ah, waxaa sahlan in lala dhaafo meel kasta oo wax lagu baaro.

Xeer illaalaha guud ee Washington Bob Fergusan ayaa xukunka garsooraha ku tilmaamay guul weyn oo soo hoyatay.