Xisbiga Zanu-PF ee Zimbabwe oo kuraas badan ku guulaystay

Tageerayaasha xisbiga Zanu-PF oo haya sawirka madaxwayne Emmerson Mnangagwa

Xigashada Sawirka, AFP/GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Tageerayaasha xisbiga Zanu-PF oo haya sawirka madaxwayne Emmerson Mnangagwa

Xisbiga haya talada dalka Zimbabwe ee Zanu-PF ayaa ku guulaystay inta badan kuraasta baarlamanka dalkaasi, sida ay muujinayaan natiijooyiin aan dhamaystirnayn.

Xisbiga madaxwayne Emmerson Mnangagwa aya lagu wadaa in uu ku guulaysto tira badan oo ah kuraasta baarlamaanka dalakaasi.

Waa doorashadii ugu horreysay ee dalkaasi ka dhacda tan iyo intii xilka laga qaaday Robert Mugabe oo muddo dheer xukunka dalkasi hayay.

Wali lama shaacin natiijada cidda ku guulaysatay tartanka madaxwaynanimada.

Talaadadii, isbahaysiga mucaaradka ee MDC ayaa waxay sheegeen in doorashada lagu shubtay islamarkana musharxooda Nelson Chamisa uu doorashada ku guulaystay.

Kormeerayaasha doorashada ayaa dhankooda lagu wadaa in ay maanta soo saaraan warbixin ka hadlaysa doorashada madaxwaynaha iyo tan baarlamanka.

Guddiga doorashada dalka Zimbabwe ayaa ku dhawaaqay in ilaa iyo imika 110 kursi ay ku guulaysteen xisbiga Zanu-PF,41 kursina ay ku guulaysteen xisbiga MDC, sida laga baahiyay warbaahinta dowladda ee ZBC.

Kuraasta baarlamanka dalkaasi ayaa ka kooban 210 kursi.

Doorashadii Isniintii looga dareeray dalkaasi ayaa waxa us oo baxay dad aad u badan oo dhan 70%.