Gabadhii rumaysay riyadii hooyadeed

Pooja Chinchankar, dhexda, waa duulimaadkii ugu dambeeyay

Xigashada Sawirka, @CARAMELWINGS

Qoraalka sawirka,

Pooja Chinchankar, dhexda, waa duulimaadkii ugu dambeeyay

Haweenay ayaa dhamaystirtay riyadii hooyadeed oo soorto ka ah diyaarad, taas oo ahayd in ay mar uun ka shaqayso diyaarad ay gabadheeda duuliye ka tahay.

Ashrrita Chinchankar ayaa duuliyaha koowaad ka ahayd duulimaadka Air India, kaas oo soo afmeeray xirfaddii 38-da sano ee hooyadeed.

Ashrrita ayaa u sheegtay BBC: "waan faraxsanahay waxana iga badatay farxadda,Sababtoo ah waxa ay dadka xusuusanayaan dareenkayga waxa ayna u dabaaldagayaan wanaagga."

Waxa ay horey barteeda Tweetar-ka ku soo qortay :"aad ayaan u faraxsanahay sharaf ayayna ii tahay in ay ii suuragasho in aan duuliye ka noqdo duulimaad muhim ah.

Waxay ahayd riyadii hooyadey in aan aniga duuliye u noqdo duulimaadka ugu dambeeya iyada oo soorto ka ah shirkadda diyaaradaha ee Air India.

"Iyada oo howlgab noqonaysa ka dib 38 sano oo ah adeega ay hayasay,waxa aan sii wadi doonaa raadkeedii."

Qoraalkan ay soo dhigtay Twitter-ka Isniintii ayaa noqday mid shaac baxay oo si wayn loo hadal hayo, waxaana calamadda (like) u saaray 5,000 waxaana asxaabtooda la sii wadaagay 650 qof.

Dadka ayaa si wayn uga jawaabay arrintan dareenka gaarka ah xambaarsan.

Shirkadda diyaaradaha ee Air India ayaa iyaguna ku biiray dabaadagga gabadhan iyo hooyadeed.

Sheekadan ayaa saamayn ku yeelatay dad badan oo maqlay.

Praful Patel, oo ahaan jiray wasiirka duulimaadyada rayidka ah islamarakna imika ah xildhibaan ayaa ka mid ah dadka ay soo jiidatay sheekadan.

"Qaar ka mid ah sheekooyiinka farxadda leh islamarkana qalbiga taabanaya ayaa ah kuwa u dhaca si dhab ah ". ayuu yiri Patel.

Qaar ka mid ah dadka ayaa iyagu dadka la wadaagay sheekooyiin la mid ah midda hooyadan, waxaana dadka ka mid ahaa Roshni Nair oo hooyadeed ku sheegtay in ay sidoo kale ahayd duuliye.