Jabuuti oo ka carootay hadal uu Farmaajo ka yiri Eritrea

Farmaajo iyo Afwerki Lahaanshaha sawirka TWITTER
Image caption Farmaajo iyo Afwerki

Dawladda Jabuuti ayaa si caro leh uga jawaabtay codsi uu madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka jeediyey magaalada Asmara, kaasoo ahaa in Eritrea laga qaado cunaqabatayntii saarnayd tan iyo sannadkii 2009.

Hadalka oo ahaa qoraal ay soo saartay safaaradda Jabuuti ee Muqdisho, kuna qornaa Af Ingiriis, ayey Jabuuti ku sheegtay in Soomaaliya ay xaq u leedahay inay xiriir diblomaasiyadeed la yeelato Eritrea, "laakinse wax la ogolaan karo ma aha in walaalaheen Soomaaliya ay taageeraan Eritrea oo ku jirta qayb dhulkeenna ka mid ah, welina beeninaysa inay hayso maxaabiis reer Jabuuti ah" ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxay qoraalka ku sheegtay Jabuuti inay fiicnaan lahayd in madaxweynaha Soomaaliya uu hadalkiisa ku xuso dhibaatada xudduudda ee u dhaxaysa Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Eritrea, oo waddankana uu xal nabadeed u raadiyo khilaafka.

"Jabuuti dhib weyn ayaa ka soo gaaray, waxayna ku weyday rag iyo dumar geesiyaasheeda ah dagaalkii dhex maray Jabuuti iyo Eritrea" ayey ku tiri Jabuuti qoraalka, waxayna intaa ku dartay inay si dhab ah u qaadanayso taageerada ay Soomaaliya taageertay Eritrea.

Waxaa qoraalka lagu soo gabagabeeyey hadal adag oo ah in Jabuuti aysan u dulqaadan doonin "wadahadalladaas naxariis la'aanta ah, ayadoo raggeenna iyo dumarkeenna ay weli halkaa joogaan oo ay difaacayaan amniga iyo deganaanshaha Soomaaliya".

Maxaa laga filan karaa booqashada madaxweynaha Soomaaliya ee Eritrea?

Image caption Nuqulka qoraalka ay Jabuuti soo saartay oo ay BBC heshay

"Annagu waxaan ka sugaynay Soomaaliya inay annaga iskaaya barbar taagto, oo ay tiraahdo, haddii ay oranaysaba, 'Jabuuti dhulkeeda Eritrea ha ka kacdo, maxaabiista walaalaheen ah ee reer Jabuutina ha la sii daayo', laakin inay tiraahdo Eritrea cunaqabataynta ha laga qaado, waxaan u aragnaa walaalahayo is barbartaag ay isbarbar taageen ciddii naga gardarnayd, taana ma ahayn mid aan filanaynay" ayuu yiri safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Aadan Xasan Aadan oo BBC u warramay.

Safiirka iyo ku xigeenkiisaba waxay iminka ku maqan yihiin waddanka Jabuuti.

Dawladda Soomaaliya weli arrintan kama hadlin. Mowqifka Jabuuti ay ka qaadatay booqashadii uu madaxweynaha Soomaaliya ku tegey Eritrea wuxuu su'aal galinayaa xiriirka muddada dheer ka dhexeeyey labada waddan.

Mowduucyada la xiriira