Macalin ku guuleystay abaalmarin qaali ah ayaa laga xaday

Caucher Birkar waxa uu kasoo jeedaa dalka Iran, wuxuusa hadda dhiggaa jaamacadda Cambridge ee Ingiriiska Lahaanshaha sawirka Uni Cambridge
Image caption Caucher Birkar waxa uu kasoo jeedaa dalka Iran, wuxuusa hadda dhiggaa jaamacadda Cambridge ee Ingiriiska

Macalin wax ka dhiga jaamacadda Cambridge oo ku guuleystay abaalmarinta adduunka ugu qaalisan ee xagga xisaabaadka ayaa billadii uu heley looga xaday dalka Brazil.

Professor Caucher Birkar oo kasoo jeeda qowmiyadda Kurdida Iran ayaa qaxootinimo ku galay dalka UK, wuxuuna ka mid ahaa 4 qof oo loo aqoonsaday in ay wax kusoo kordhiyeen xisaabaadka.

Balse daqiiqado kadib markii uu heley billadda dahabka ah ee 14-ka garaam ahayd ayaa laga xaday, kadib markii sida la sheegay uu uga tagay miis uu fadhiyay.

Booliiska ayaa heley boorsadiisii, balse waxaa maqnaa billaddii dahabka ahayd iyo boorsadii jeebka.

Lahaanshaha sawirka IMU
Image caption Abaalmarinta Fields Medal ee xisaabaadka

Mowduucyada la xiriira