Maxay ka wadahadlayaan Soomaalida ku shiraysa magaalada Diri-Dhawa?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxay ka wadahadlayaan mucaaradka madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya

Siyaasiyiin, odayaal dhaqameed, dhalinyaro iyo waxgarad lagu yaqaan inay dhaliilsan yihiin maamulka haatan ka arrimiya Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta waxa uu shir uga bilowday magaalada Diri-dhawa.

Waxa ay sheegeen in ujeedka shirkoodu uu yahay sidii ay isbadelka Itoobiya ka hanaqaaday ay usoo gaarsiin lahaayeen gobolkooda.

Maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa dhawaantan waxa uu sii daayay boqolaal ah oo ku xirneyd xabsiga deegaanka.

Haddaba si aannu wax badan uga ogaanno kulanka maanta ka furmay magaalada Diri-dhawa ayaa waxaannu khadka taleefanka kula xiriirnay Cabdiraxmaan Maxamed Saahid oo ka mid dadka shirkaasi soo qaban qaabiyay, waxa uu u warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.