Kim Jong-un iyo Donald Trump oo isweydaarsanaya fariimo

Kim iyo Trump Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Kim iyo Trump

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu la kulmi doono Kim Jong-un, waxa uuna sidoo kale u mahadceliyey Kim kaddib markii uu ku soo wareejiyey haraaga lafihii askartii ku dhintay dagaaladii Kuuriya.

Qoraal uu ku shaaciyey barta twitter-ka waxa uu Trump hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ugu mahadceliyey "warqaddii wanaagsanayd", isagoo aan ka bixinin wax faahfaahin.

Bishii la soo dhaafay , warbaahinta qaranka ee Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in Mr Kim uu aqbalay casuumaaddii ooga timid Mr Trump ee ahayd in uu Maraykanka booqasho ku tago. Ma jirin wax taariikh ah oo lagu dhawaaqay.

Bayaan khamiistii laga soo saaray Aqalka Cad, ayaa lagu sheegay in qoraalka Trump uu ka hadlayey fariimo uu ka helay Mr Kim kowdii bisha August.

Soo celinta haraagii lafaha dadkii Mareykanka oga dhintay dagaalka ayaa labada hoggaamiye waxay ku heshiiyeen kulankoodii qabsoomay bishii June oo lagu qabtay Singapore.

Ciidamada Mareykanka oo ka dhoofay xarunta ciidamada badda ee ku taala Kuuriyada Koonfureed ayaa sanduuq kasta waxaa ku jiray calan, waxaana lagu waday diyaarad milateri.

" Qaar ayaa dagaalka Kuuriya ugu yeeray 'dagaal la hilmaamay,'" ayuu yiri Mr Pence, oo ah madaxweyne ku xigeenka Maraykanka oo uu aabihiis uu ka qeyb galay dagaalkaasi.

" Balse maanta, waxan xaqiijinaynaa inay halyeeyadan aanan la hilmaamin. maanta wiilasheenna ayaa imaanaya gurigooda."

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Haweenay ooynaysa

Waraaqo sirdoon oo hoosta laga soo dusiyay, warbaahintana ay baahisay ayaa muujinayay in Kuuriyada Waqooyi ay wali waddo barnaamijkeeda gantaalada.

Hase yeeshee, Jeneraal ka tirsan ciidamada cirka oo lagu magacaabo John Hyten, ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi aysan weli howlgelinin wax gantaal ah tan iyo bishii November.

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Milateriga Mareykanka ayaa sheegaya in qoyska sarkaalkaas la xaqiiyey.

Waxaase jira askar aanan weli la ogaanin aqoonsiga meydadkooda, sababtana waxa ay tahay in aanan sanduuqyada lagu dul qorin xog lagu aqoonsan karo meydka ku jira.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Ciidamada Mareykanka

Mowduucyada la xiriira