Kenya: Nin 20 sano oo xarig ah ay maxkamadi ku xukuntay oo la sii daayey

Foolka Maroodiga Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Foolka Maroodiga

Maxkamad kutaal dalka Kenya ayaa sii daysay nin horay loogu xukumay 20 sano oo xarig ah oo loo haystay dhoofinta foolka maroodiga. Xukunka Maxamed Faysal oo dhacay Sanadkii 2016-kii ayaa la xiriiray dagaalka ka dhanka ugaarsiga sharci darrada ah iyo ka ganacsiga foolka maroodiga.

Garsoore maxkamad kutaal Mombasa ayaa sheegay in xukunka 20-ka sano ah lagu riday Maxamed Faysal uu ahaa mid aan dastuurka waafaqsanayn oo aan loo hayn caddaymo rasmi ah.

Waaxda duurjoogta u qaabilsan dawladda kenya ayaa sheegtay in ay u qaadan waayeen siidaynta ayna ka qaadan doonaan racfaan.

Sanadkii 2016 Maxamed Faysal ayaa horay loogu helay dambi ah haysashada foolal maroodi oo gaarayay saddex boqol oo xabbo - qolyaha arrimaha duurjoogta u dhaqdhaqaaqa ayaa xukunkaas soo dhaweeyey.