Xiisad ka taagan xarunta wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya

Breaking News

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ay xiisad ka taagan tahay xarunta wasaaradda arimaha dibadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Xiisadan ayaa salka ku heyso kaddib markii ciidamo dawladda ka tirsan ay isku dayeen inay wasiir kuxigeenka wasaaradda arimaha dibada ka soo xiraan xarunta.

Ciidammada ilaalada wasaaradda ayaa ka biyo diiday in la kaxaysto wasiirka kuxigeenka wasaaradda, xiisada ayaana ah wali mid taagan.

Faahfaahino kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta ciidamadu ay u doonayaan inay u kaxaystaan wasiir kuxigeenka iyadoo maalmahanba uu muuqday khilaaf u dhaxeeyay wasaaradda arrimaha dibada iyo tan maaliyada oo la xiriira lacagaha ay wasaarada arimaha dibadu soo xarayso iyo qarashaadka wasaaradda ku baxa.

Halkaan kala soco wararka la xiriira xiisadan.