Atoore Steven Seagal ayaa laga dhigay ergeyga gaarka ah ee Ruushka u fadhiya Maraykanka

Steven Seagal (bidix) ayaa horey u ammaanay madaxweyne Putin Lahaanshaha sawirka AFP/Getty
Image caption Steven Seagal (bidix) ayaa horey u ammaanay madaxweyne Putin

Dowladda Ruushka ayaa atoore caan ah oo u dhashay Maraykanka u magacowdey ergeygeeda gaarka ah ee u fadhiya magaalada Washington, si baa la yiri uu wax uga qabto xiriirka labada dal ee sii xumaanayay.

Atoore Steven Seagal oo ka mid ah kuwa ugu caansan Maraykanka ayaa dhalashada Ruushka la siiyay sanadkii 2016-kii.

Wasaaradda arrimaha dibedda Ruushka ayaa sheegtay in xilka cusub ee loo magacaabay Steven uusan ahayn mid uu mushaar ku qaadanayo, uuna la mid yahay xilka Qaramada Midoobay ee safiir sharafeedka.

Dhawaan ayuu atoorahan Ruushka ka difaacay eedeymaha ah in ay farogalin ku samaysay doorashadii dhacday 2016-kii ee Maraykanka.

Waxa uu mar Putin ku tilmaamay in uu yahay "ninka adduunka ugu qiimaha badan ee nool".

Mowduucyada la xiriira