Gabadha Steve Jobs ayaa buug ka qortay xiriirkii kala dhaxeeyay aabaheed

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Steve Jobs gacanta ku haya iPod

Gabadh uu dhalay Steve Jobs oo lagu magacaabo Lisa Brennan-Jobs ayaa buug ay qortay kaga hadashay xiriirkii adkaa ee ay la lahayd aabaheed oo ahaa ninkii aasaasay shirkada Apple.

Hooyadeed oo lagu magacaabo Chrisann Brennan, ayaa xiriir aan wanaagsanyn la lahayd Jobs 1970kii. Ms Brennan-Jobs ayaa dhalatay 1978-dii, xilligaas oo ay labadeeda waalid jireen 23 sano.

Ms Brennan-Jobs oo hadda 40 sano jir ah ayaa buuggeeda ku sheegtay in markii ay yarayd ay asxaabteeda ka qarin jirtay inuu aabaheed ahaa Jobs.

'Ma ahan ilmahayga'

Saddex maalmood kaddib markii ay dhalatay Ms Brennan-Jobs , ayaa waxa soo booqday Jobs waxa uuna sheegay inuusan ilmahan dhalin isaga, sida Ms Brennan-Jobs ku qortay buugeeda.

Muddo laba sano ah ayuu dafirsanaa inuu aabaheed yahay.

Kaddib baaritan DNA oo la sameeyey ayaa waxa lagu xaqiijiyey inuu aabaheed yahay, maxkamadda ayaana Jobs ku xukuntay inuu bixiyo dhaqaalaha ilmaha oo gaaraya 500 oo doolar bishii.

Lahaanshaha sawirka Lisa Brennan-Jobs/Facebook
Image caption Lisa Brennan-Jobs

' Waxba ma heli doontid'

Ms Brennan-Jobs ayaa sidoo kale ka hadashay in xilligii ay ilmaha ahayd ay maqli jirtay in aabaheed uu soo iibsan jiray gaari cusub marka uu gaarigiisa cilad yar soo gaarto.

Marka ay weydiisato inuu ku caawiyo midkii uu iska badelayna , uu canaan jiray.

Shirkadda Apple iyo magaca Lisa

Ms Brennan-Jobs ayaa sheegtay inay weligeed u malayn jirtay in loogu magac daray adeega kombuutarada ay soo saarto shirkada ee lagu magacaabo Apple's Lisa computer.

Balse markii ay aabaheed weydiisay in adeegaan loogu magac daray , waxay sheegtay inuu aaboheed ugu jawaabay 'maya'.

Sanado kaddib, Ms Brennan-Jobs waxaa marar aan badnayn laga casuumi jiray xafladaha qoyska Jobs.

Mar ay la kulantay aabaheed ,nin fannaan ah ayaa Mr Jobs weydiiyey in Kombuyuutarada Lisa uu ugu magacdaray gabadhiisa .

" Aabahay oo ay su'aashaasi ku adkaatay ayaa saxankiisa intuu aad u fiiriyey ku jawaabay .' Haa'.

'Sida musqusha ayaad u soo uraysaa'

Xilligii uu Jobs ku jiray isbitaalka , Ms Brennan-Jobs waxay sheegtay inay aabaheed booqan jirtay bil kasta.

Waxayna sidoo kale sheegtay in mid ka mid ah booqashooyinkeedii ugu dambeeyey uu aabaheed ku yiri "Waxad u soo uraysaa sida musqusha" mar ay macsalaamaynaysay.

Mowduucyada la xiriira