Trump ma awoodaa in uu reer Yurub ku khasbo in ay Iiraan cunaqabatayn saaraan?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Trump ma awoodaa in uu reer Yurub ku khasbo in ay Iiraan cunaqabatayn saaraan?

Xayiraadaha cusub ee uu Mareykanka ku soo rogay dalka Iiraan ayaa soo jiitay cambaareyn caalami ah balse cunaqabataynta ayaa u muuqata mid saameynteedu aad looga dareemayo gudaha dalka Iiraan.

Midowga Yurub waxa uu sheegay in uu doonayo in uu ixtiraamo heshiiska niyuukleerka ee Iiraan ay la galeen quwada caalamka.

Tallaabooyinkan cunaqabateynta ah ayaa la hakiyay sanadkii 2015 kaddib hishiiskii niyuukleerka ee xukuumadda Tehraan la gashay quwadaha caalamka balse madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in ay Iiraan ka badbaadi karto cunaqabateyntan haddii ay joojiso horumarinta bacriminta yuuraaniyamka laga sameeyo hubka niyuukleerka iyo haddii ay joojiyaan waxa uu ku tilmaamay taageerada argagixisada barriga dhexe,

Haddaba su'aasha la isweydiinaya ayaa ah Trump ma awoodaa in uu reer Yurub ku khasbo in ay ka baxaan heshiiska Iiraan oo ay maraan waddamada Washington? Su'aashaasi iyo kuwo kale ayaan u bandhignay Axmed Sheekh Maxamed (Axmad Tiir) oo ka faalooda arrimaha Carabta, Xasan Haybe ayuu u waramay.