Maamulka Saaxil ee Somaliland oo sheegay inuu wado tallaabooyin ay ku horumariyaan adeegyada bulshada
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maamulka Saaxil ee Somaliland oo sheegay inuu wado tallaabooyin uu ku horumarinayo adeegyada bulshada

Magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayaa waxa dhawaanahan ka jiray cabasho ay qabaan dadweynuhu oo ah in aanay fiicnayn adegyada bulshada ee ay ka midka yihiin caafimaadka, biyaha iyo wadooyinka iyo sidoo kale dildillaac la sheegay in uu ku yimid dhismaha dekadda Berbera.

Haddaba weriyaha BBC-da Axmed Saciid Cige oo socdaal shaqo ku tagay magaalada Berbera ayaa halkaa kulmay badhasaabka gobolka Saaxil Axmed Cismaan Xasan waxaanu ka waraystay cabashooyinkaa jira, ugu horrayn se waxa uu weydiiyey kulka xagaaga iyo xaaladda Berbera.