Sacuudiga oo dib u celiyey xoolo Soomaaliya laga dhoofiyey
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Sacuudiga oo dib u celiyey xoolo Soomaaliya laga dhoofiyey

Caadiyan marka uu soo dhowaado mowsimka xajka, Soomaaliya waxaa laga dhoofiya xoolo aad u fara badan, kuwaasoo loo dhoofiyo dalka Sacuudiga.

Hase yeeshee laba maalmood ka hor, waxaa Sacuudiga laga soo celiyey markab siday xoolo dhawaan la dhoofiyey oo lagu qiyaasay ilaa 30 kun oo neef, sida laga soo xigtay ganacsato Soomaali ah.

Markabkii xoolaha qaaday oo la soo celiyey ayaa la filayaa inuu ilaa Sabtida ku soo xirto dekadda Bossaaso.

Image caption Wasiirka xanaanada xoolaha ee Puntland wuxuu sheegayaa in ay baari doonaan sababta xoolaha loo soo celiyey

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa ayadoo ay Soomaaliya la safatay dalka Sacuudiga oo xurguf diblomaasiyadeed ay soo kala dhex gashay iyaga iyo Canada.

Haddaba,sababta loo soo celiyey xoolaha iyo su'aalo kale ayaa wariye Axmed Cawil Jaamac wuxuu wax ka waydiiyey wasiirka xanaanada xoolaha ee Puntland Cabdullaahi Sheekh Axmed, wuxuuna marka hore ka warramayaa waxa ay kala socdaan xoolaha la soo celiyey.

Mowduucyada la xiriira