Somaliland oo wasiirro iyo shirkado gaar loo leeyahay lagu eedeeyay musuqmaasuq

Somaliland oo wasiirro iyo shirkado gaar loo leeyahay lagu eedeeyay musuqmaasuq

Gudiga dabagalka iyo ilaalinta hantida qaranka ee golaha wakiilada Somaliland ayaa warbixin xasaasi ah oo ay golaha hordhigeen waxay markii ugu horeysay ku eedeeyeen wasiiro hore iyo sharikado gaar loo leeyahay musuqmaasuq mashaariic ay xukuumadda uga fulinayeen gobollada qaarkood.

Guddoomiyaha guddigaas xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire oo shir jaraa'id arrimahaas ku faahfaahiyey ayuu weriyaha BBC-da Axmed Saciid Cige waraysi gaar ah kala yeeshay arrimahaas.