Maxaa sababay in laga guuro magaalo ku taalla dalka peru?

.

Xigashada Sawirka, MARCO GARRO/AFP/Getty Images

Waxaa isa soo taraya walaaca laga muujinayo xaaladda caafimaad ee ay ku suganyihiin dadka ku nool magaalada Cerro de Pasco ee bartamaha dalka Peru.

Magaaladaan oo ka mid ah magaalooyinka ugu dhulka sarreeya ee adduunka ayaa waxaa la ogyahay in ay hawadeeda aad u wasakheysantahay ayna ku badanyihiin maadooyinka kala duwan ee macdanta.

Dadka deegaanka ayaa ka cabanaya dhibaatada ay ku qabaan magaaladooda iyagoo sheegay in carruurtooda ay la il daranyihiin cudurro fara badan.

Heerarka macdanta biraha ee ku jira carrada iyo biyaha ayaa u sarreeya si xad dhaaf ah.

Haweeney lagu magacaabo Irma Estrella ayaa BBC-da u sheegtay in wiilkeeda yar uu lugaha ka curyaamay iyadoo sababna uga dhigtay ciidda ku sumowday macdanta badan ee magaalada.

Sidoo kale Marcos Castaneda ayaa sheegay in gabadhiisa oo 11 jir ah uu ku dhacay cudur ay garan waayeen in muddo ah oo ay ka qaadday hawada aan nadiifka ahayn.

Waalidiin kale oo fara badan ayaa qaba cabashooyin noocaas oo kale ah.

Dowladda Peru ayaa saddex jeer oo kala waqti duwan ku dhawaaqday in xaalad caafimaad oo deg deg ah ay ka jirto gobolkaas, hase ahaatee ma aysan qiranin in sababta ay tahay howlaha macdan qodista ah ee ay isla dowladda ka sameyso halkaas.

Qaar ka mid ah dadka ay saameynta caafimaad darro soo gaartay ayaa si loo soo daweeyo u aaday magaalooyin kale oo ku yaalla waddankaas.

Dhaqaatiirta ay la kulmeen ayaa kula taliyay in aysan mar kale dib ugu laabannin magaaladaas, bale qaar ka mid ah qoysaskaas oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in aysan heysanin meel kale oo ay aadaan.

Xigashada Sawirka, MARCO GARRO/AFP/Getty Images

Sannadkii 2008-di ayuu aqalka Congress-ka ee dalka Peru meel mariyay sharci loogu amrayo dowladda in ay dadka ka rarto magaaladaas ayna dib u dejin u sameyso.

Taas ayuu micneheedu yahay in gebi ahaanba laga guuro magaalada Cerro de Pasco oo laga dhigo meel ka caaggan in la dago iyadoo magaaladuna ay dhul ahaan ku taallo bartamaha dalka.

Hase ahaatee, dadka deegaanka ayaa ilaa hadda ka dhur sugaya hir gelinta amarkaas si looga raro meeshaas khatarta caafimaad leh.