South Sudan oo noqday waddan ay shaqaalaha gargaarka ay halista ugu badan kala kulmaan

Dagaallada sokeeye ee South Sudan malaayiin qof ayaa ku barakacay Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dagaallada sokeeye ee South Sudan malaayiin qof ayaa ku barakacay

Warbixin ay soo saartay la taliyaha arrimaha bani aadaminimada ayaa waxay sheegeysaa 158 weerar oo lagu beegsaday shaqaalaha gargaarka iney sanadki tagay dalkaasi ka dhaceen.

Ku dhawaad 4 million oo qof reer South Suudaan ah ayey macluul la soo daristay iyada oo uu dalkaasi mudda shan sana ah uu ka socdo dagaal sokeeye.

Wariyaha BBC Ferdinand Omondi oo warbixintan soo diyaariyey ayaa wuxuu sheegayaa in warbixinta ay soo saartay hay'addan waxaa sandakii lasoo dhaafay dalka South Sudan xabbad lagu dilay 24 kamid shaqaalaha gargaarka, taas oo noqonaysa tiradii ugu badneyd ee shaqaale gargaarka ka shaqeysa oo muddo sanad gudihii halkaas lagu dilo'

Sidoo kale waxaa sare u kacay xarigga ay kooxaha qaybta ka ah colaadda u geystaan howlwadeenada gargaarka.

Weerarrada kale ee dhibaatada geystay waxaa ka mid ah in qofka shaqsiyan wax la gaarsiiyo iyo in hub wax lagu boobo.

Hay'adda qaxootiga u qaabilsan dalka Norway ee NRC ayaa waxay sheegaysaa in tan iyo 2013-kii marka uu dagaalka sokeeye uu ka dillaacay South Sudan, dalkaasi lagu dilay boqol qof oo howlwadeennada gargaarka ah.

Waxayna hay'adda ugu baaqday dhinacyadda dagaalamaya inay joojiyaan beegsi ay ku hayaan shaqaalaha gargaarka.

Madaxweyne Salva Kiir ayaa waxa uu todobaadkii la soo dhaafay heshiis nabadeed la saxiixday dhinacyada uu dagaalka ka dhaxeeyay.

Iyadoo inta badan dadka dalkaasi ay ku rajo weyn yihiin in heshiiskaasi uu dhaqan geli doono, xilli dadka ku xeelka dheer arrimaha cunnada ay ka digayaan suuragalnimada in sanadkan gudahiisa ay macluul dalkaasi ka dhacdo.

Taas oo horseedi doonto in beesha caalamka loogu baaqo in ay gargaar cunno la soo gaaraan,

gaar ahaan deegaannada ay colaaddu saameysay.

Mowduucyada la xiriira