Waraaqo Falastiin ku socday oo siddeed sano kaddib soo gaaray

Boqollaal jawaan oo farriimo ah ayaa ugu dambeynti soo gaaray Falastiin Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Boqollaal jawaan oo farriimo ah ayaa ugu dambeynti soo gaaray Falastiin

Farriimo, Waraaqo iyo gaariga yar ee ay curyaamiinta ku socdaan oo ku socday Falastiiniyiinta ayaa waxay soo gaareen Israaiil balse in mudda ah ayey haysatay.

Farriimaha waxaa ka mid aha dalabyo dhinac internetka oo weli gaarin ciddi ay ku socotay, ilaa iyo 2010-kana waxaa lagu celinayey farriimahaasi dalka Urdun waxaana halmar lagu sii daayey farriimahaasi heshiis laga gaadhay.

Falastiini shaqaalaha dhinaca Postada ka shaqeeya magaalada Jericho ayaa waxaa laga sugayaa inuu kala saaro farriima ka badan 10 tan oo hal mar soo wada gaaray si uu u gaarsiiyo ciddi lahayd.

Mas'uuliyiin ayaa waxay AFP u sheegeen kala saaridda farriimahaasi iyo cidda lahayd la gaarsiiyo ay laba toddobaad ay qaadaneyso.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Sida farriinta muuqato oo laga soo diray dalka Moroco 2015 waxaa la hayey in mudda ah

Ramadan Ghazawi, oo ka shaqeeyo xafiiska boostada magaalada Jericho ayaa wuxuu sheegay alaabada maanta la soo gaarsiiyey in loo haystay sabab la xidhiidha amni iyo arrima maamul.

Israa'iil ayaa waxay haysataa xadka urdun ee looga soo tallaabo Marinka Qaza.

Qoraal Talaadadi ka soo baxday wasiirka isgaarsiinta Falastiin Allam Moussa ayaa waxay Israa'iil ku eedeysay iney Israa'iil ku guul darreysatay mel marinta heshiis 2016-ka la gaadhay oo ku saabsanaa in farriimaha caalamiga ah ay oos u soo gaaraan dhulka falastiin iyada oo ay marka hore la soo marin xafiisyada Boostada Israa'iil.

Isku duwaha arrimaha dhaqdhaqaaqa ciidamada Israa'iil ee degaanka Cogat wuxuu wakaaladda wararka ee AFP uu u sheegay heshiisku inuu ku saabsanaa shaqada balse uu faahfaahin intaa ka dher uu bixineyneyn.