Falastiiniyiin lagu dilay magaalada Qaza

Sawir hore

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka,

Sawir hore

Wasaradda caafimaadka ee Falastiiniyiinta ayaa sheegtay in labo qof oo Falastiiniyiin ah ay ku dhinteen rasaas ay fureen ciidamada Israa'iil.

Labadani qof ayaa ku dhintay xuduuda u dhaxeysa Qaza iyo israa;iil.

Waxa labadani qof ee la toogtay ay ka qayb qaadanayeen dibadbax ay ku baaqeen kooxda Xamas ka dib Salaaddii jimcaha ee shalay.

Toddobaadkii aanu soo dhaafnay waxa rasaas culus is waydaarsaday mintidiin ku sugan Qaza oo gantaalo halkaasi ka soo rdayay islamarkana ciidamada Israa'iil ayaa fulinayay duqaymo dhanka cirka ah.

Arbacaddi ayaa kulan ka socday magaalada Qaahira oo lagu dhaxdhaxaadinayay labada dhinac waxaa la sheegay in hormar laga gaaray.

Ugu yaraan 171 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa waxaa dilay ciidamada Israa'iil tan iyo dabayaqadii bishii March,waxa ayna dadkan inta badan ku dhinteen isku dhacyada xuduuda.