Dalka Hindiya dad badan oo ku dhintay fatahaado iyo roobab

.

Xigashada Sawirka, AFP/GETTY

Qoraalka sawirka,

.

Rai'sul wasaaraha dalka Hindiya, Narendra Modi, ayaa gaaray gobolka ku yaalla dalkaasi ee Kerala si uu indhihiisa ugu arko burburka ay geysteen fatahaado halkaasi ku dhuftay.

Waxaa fatahaadahani lagu tilmaamay in ay yihiin kuwii ugu xumaa ee dalkaasi soo mara muddo qarni ah.

Toddobaadyo ay halkasi roobab ka da'ayeen ayaa waxaa ka dhashay dhul go'o iyo fatahaado ay ku dhinteen in ka badan 300 oo qof.

Waxaa sidoo kale fatahaadahani ku guriya beelay ugu yaraan 300,000 oo qoys.

Ciidamada militariga iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa loo daadgureeyay gobolka ay fatahadaha ku dhufteen ee Kerala si ay dadaalka gurmadka uga qayb qaataan.

Garoonka caalamiga ah ee magaalada Kochi ayaa la xiray ka dib markii goobta ay diyaaradaha ka soo caga dhigtaan ay biyo fariisteen.

Waxaa la filayaa in roobab kale ay halakasi ka da'aan.

Xukuumada Hindiya ayaa sheegtay in guud ahaan dalka Hindiya xilli roobadkan oo billaabmay June ay ku dhinteen ku dhawaad 1000 qof.