Nin si la yaab leh uga baxsaday Booliska London

Dadweynaha ayaa lagu eedeeyey inay ninka baxsaday u sacab tumayeen
Qoraalka sawirka,

Dadweynaha ayaa lagu eedeeyey inay ninka baxsaday u sacab tumayeen

Askari ka tirsan booliska ayaa shacabka ku eedeeyay in ay dhiirri gelin siiyeen nin ka baxsaday gacanta ciidanka amniga ka dib markii ay dirir dhex martay isaga iyo booliska.

Labo askari ayaa arrintaas awgeed loo geeyay isbitaalka si looga daweeyo dhaawacyo soo gaaray.

Dhacdadaan oo ka dhacday waddada Romford Road, xaafadda Newham, ee bariga London ayaa laga soo duubay muuqaal lagu shaaciyay baraha xiriirka bulshada.

Muuqaalkaas oo si weyn la isula wadaagay ayaa laga maqli karaa cod fasiix ah oo ay dadku ku dhiirri gelinayaan ninka ay booliska isku dayayeen in ay xiraan.

Waxaa sidoo kale la arkayaa isagoo la daggaalamaya askarta, isla markaana si khasab ah uga fara baxsanaya.

Roy Smith oo ka tirsan saraakiisha booliska ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dadweynaha ay taageero u muujiyaan ninkaasi oo markii dambena muuqaalka laga arkayay isagoo sii ordaya.

Labo nin oo kale ayaa xabsiga loo taxaabay iyagoo lagu tuhunsanyahay in ay booliska weerareen ayna hub heysteen.

Dagaalka ayaa billowday ka dib markii ay ciidanka ammaanka galabnimadii khamiista istaajiyeen gaari '"laga shakiyay" kaasoo ay baaritaan ku billaabeen.

Ragga ayaa ka soo dagay gaariga isla markaana billaabay in ay la xarbiyaan booliska si aan loo xirin.

Haweeney askariyad ah ayaa dhacdadaas uga jabtay gacanta midig halka nin kale oo askarta ka mid ahna uu soo gaaray dhaawac u baahday in qalliin fudud lagu sameeyo.

Roy Smith ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray "Waa wax laga niyad jabo in la arko dad ka mid ah shacabka oo dhacdadaan muuqaal ka duubayay, isla markaana ku qoslayay booliska".

Hal nin oo ay da'diisa tahay 25 sano ayaa lagu xiray isla goobta, halka mid kale oo 23 sano jir ahna la soo qabtay ka dib markii ay booliska baaritaanno ka sameeyeen goobaha u dhow waddada ay arrintaasi ka dhacday.