Guri gubtay oo ku yaala Canada oo lagu rabo $3m

Guri gubtay ayaa waxaa lagu kala gatay $3 milyan oo doolar

Xigashada Sawirka, Promerita Real Estate

Guri ku yaala dalka Canada oo ku gubtay dab ka kacay dalkaas ayaa soo jiitay dareenka dadweynaha kadib markii suuqa la keenay isaga oo lagu doonayo lacag dhan C$3.9 oo lacagta Canada ah, una dhiganta $3 milyan oo doolarka Maraykanka ah.

Gurigan ayaa gubtay sanadkii hore, iyada oo dadkii degenaa ay ka guureen.

Shirkaddii iibka u qaabilsanayd guriga ayaa sheegtay in qiimaha ay ku doonayso guriga uu yahay mid qiil leh, maadaamaa hantida ma guurtada ah ee magaalada Vancouver uu qiimahooda cirka isku shareeray.

Magaaladan ayaa ah kuwa ugu qaalisan adduunka marka ay timaado in guri la iibsado, iyada oo qiimaha dhexdhexaadka ah ee guri lagu iibsan karo uu ka biloowdo $1.6 milyan oo doolar.

Wakiil u hadlay shirkadda iibinaysa, Hunt Tse ayaa taleefishinka CTV u sheegay in qiimaha lagu rabo guriga lagu jaangooyay meesha uu dhulka ku yaalo, baaxada uu leeyahay iyo waxa laga sameyn karo, balse aysan ahayn xaaladda uu hadda ku suganyahay.