Tottenham oo guuldarro weyn dhabarka u saarisay Manchester United

sports

Xigashada Sawirka, Getty Images

Koxda Tottenham ayaa guuldarro weyn dusha u saartay Manchester United, kaddib markii ay xalay 3-0 uga badisay garoonka caanka ah ee Old Trafford.

Manchester United oo laga badiyay kulankii ka horreeyay kii xalay, ayaa u muuqatay mid ay waxbadani ka khaldan yihiin, waxaana saddexda goolba laga dhaliyay nuskii dambe ee ciyaarta.

Lucas Moura ayaa Tottenham u dhaliyay laba ka mid ah saddexda gool.

Ciyaarta ka dib ayaa tababaraha Man United, Jose Mourinho, waxa uu caro kula dul dhacay weriyayaal su'aallo weydiiyay, asagoo u sheegay inay ku ixtiraamaan inta jeer ee uu horyaalka Ingiriiska qaaday oo ah saddex jeer.

Khubarada horyaalka Premier League ayaa tilmaamaya in isfahan xumo uu ka dhex taagan yahay Mourinho iyo ciyaartooydiisa.