Sharci ogolaanaya in qabuuraha la kireeyo oo dib loo eegayo

.

Xigashada Sawirka, AFP

Sharci muran badan dhaliyay oo laga meelmariyay gobolka New South Wales ee dalka Australia ayaa loo furey dhagaysi dadweyne, si dib u eegis loogu sameeyo.

Sharciga waxa uu ku saabsanyahay in qabuuraha la kireyn karo muddo u dhaxaysa 25 sano illaa 99 sano, waa haddii aysan awoodin in ay dhulka xabaasha iibsadaan daa'in ebed.

Aaska dadka waa mid aad qaali u ah gobolkaas, iyada ooh al qabri uu ku kici karo $3,506 doolarka Maraykanka ah.

Sharciyadii horey u jirey waxa ay dhigayaan in haddii dhagaxa magaca ku qoran ee qabriga ka dulsuran la cusboonaysiin waayo labo sano gudahood, in qabriga la burburin doono, lafahana la geyn geyn doono meel loogu talogalay.

Paul Toole oo ah wasiirka dhulka iyo daaqa ee gobolkan ayaa u sheegay wargeyska Sydney Morning Herald in inkasta oo ay fahamsanyihiin sida arrimaha qabuuraha ay xasaasi u yihiin, haddane fikradda ah in la cusboonaysiiyo ay tahay mid shaqayn og.

Sharcigan ayaa aad loo dhaleeceeyay , gaar ahaan siyaasi ka tirsan xisbiga Labor oo lagu magacaabo Mick Veitch.