Maxay ka dhigantahay in dib loo furayo Garoonka Stadium Muqdisho 7 sano kadib ?

  • Cabdinaasir Saxansoxo
  • BBC Somali, Nairobi
Shacab badan oo dhirta ka jaraya gudaha garoonka
Qoraalka sawirka,

Shacab badan oo dhirta ka jaraya gudaha garoonka

Waxaa markii ugu horeysay muddo 7 sanno ah shacabka magaalada Muqdisho loo fasaxay in ay gudaha u galaan garoonka ciyaaraha ee Stadium Muqdisho iyo xaafadda ciyaaraha Muqdisho.

Garoonka ayaa waxaa saakay amnigiisa la wareegay ciidamada booliiska Soomaaliyeed, kadib markii ay ugu dambeyn ka guureen ciidamada nabad illaalinta Afrika ee AMISOM.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalin ka hor si rasmi ah AMISOM ugala wareegay garoonka, iyada oo saakay la arkayay gaadiidka xamuulka ciidanka oo raraya agabkii askarta AMISOM.

Kooxaha muusikada ee booliiska ayaa tumayay baambayda, iyada oo shacab tiro badan ay isku soo uruuriyeen garoonka oo ay dhir badan iyo caws ka baxeen, waxayna shacabka markiiba bilaabeen hawl iskaa wax u qabso ah oo ay ku nadiifinayaan garoonka.

Wasiirka dhalinyarada Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa warbaahinta dowladda u sheegtay "Dowlada waxay diyaar u tahay dayactirkiisa, bilicdiisa iyo dhismahiisa, goordhow waa la howl bilaabayaa, kuligeen waan bishaareysaneynaa, Ciidanka Booliska Jamhuuriyada ayaa la wareegaya si loo sugo amnigiisa iyo Nadaafadiisa".

Taariikhda Garoonka

Garoonka oo dad badan ku tilmaamaan in uu yahay 'jowharta astaanta u ah nabadda" ayaa waxaa la dhisay sanadkii 1978-dii, waxaana dhisay injineero shiinees ah, iyada oo maalgalinta ay lahayd dowladda Shiinaha oo markaas bah wadaag la ahayd dowladdii hanti wadaagga ee Jeneraal Maxamed Siyaad Barre.

Qoraalka Codka,

Garoonka Muqdisho oo 27 sano ka dib ay xilli habeen ah diyaarad ka soo degtay

Garoonka waxa uu ka tirsanyahay waxa loo yaqaano xaafadda ciyaaraha oo ka kooban garoomo dhawr ah oo is dhinac yaala, kuwaas oo loogu talogalay in lagu qabto ciyaaraha kala duwan.

Waxaa ka dhisan garoonka dabaasha, kan kubbadda kolayga, kan miiska, iyo xitaa qeybo loogu talogalay ujeedooyin kale.

Garoonka kubbadda cagta waxa uu markiiba qaadi kara wax ka badan 40 kun oo qof markiiba. Waxa uu lahaa dhammaan tasiilaadkii garoon loogu talogalay sida leerarka waaweyn ee suurtogalin kara in habeenkii lagu ciyaaro, qeybta gaar ah ee ay madaxda fariistaan, qolalkii labista ee ciyaartooyda, albaabadii waaweynaa ee ay dadka kasoo galayeen, xafiisyadii shatiyada ciyaaraha laga jaranayay.

Sidaas oo ay tahay ayaa waxa uu leeyahay xeebdaab kore oo aad uga fog, islamarkaasna leh ganjeelooyin laga soo garo iyo darbi ku wareegsan.

Hase yeeshee hadda waxyaabihii oo dhan waa burbureen intooda badan, xitaa birtii goolka ayaad sawirka ka arki kartaan sida ay u bolashay. Waxaanan sidoo kale oolin tusihii weynaa ee tirsiga ciyaaraha lagu soo bandhigi jiray.

Qoraalka sawirka,

Birtii goolka oo sii dumeysa

Hadda hawsha ugu horeysa waa in laga jaraa geedaha iyo cawska ka baxay, balse waxaa hubanti ah in garoonka u baahanyahay dayactir balaaran, iyada oo xitaa lagama maarmaan ay noqon doonto in ay injineero hubiyaan in dhismaha meelaha qaar garoonka uu ku habboonyahay in bini'aadam ay isticmaalaan iyo in kale.

Muqdisho iyo Magool

Inkasta oo ciyaaraha gobolada iyo kuwa caalamiga ah, gaar ahaan kuwa qaramada ee saaxiibtinimada lagu qaban jirey garoonka Istadium Muqdisho, haddane waxa uu garoonka caan ku ahaa in lagu qabto isu soo baxyada siyaasadeed, iyada oo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre uu khudbadaha ka jeedin jiray.

Waxaase aad loo xusuustaa sanadkii 1987-dii bandhig faneedkii weynaa ee Muqdisho iyo Magool oo ay kasoo qeybgaleen 45 kun oo qof dad lagu qiyaasay.

Fanaanadii Xaliimo Khaliif Magool ayaa garoonka ka heestay, waxayna ka mid tahay waxyaabaha aan weli dadka xusuustooda ka harin.

Khudbaddii xigtay ee madaxweyne waxa ay ahayd sanadkii 2000, xilligaas oo madaxweynihii markaas Jabuuti lagu soo doortay Cabdiqaasim Salaad Xassan uu kumanaan qof ah kula hadlay garoonka, wuxuuna ka mid ahaa isu imaatanadii taariikhda galay ee ugu badnaa ee shacab ku muujiyeen dareenkooda farxadeed.

Afar sano kadib, sanadkii 2004-tii, Ra'isulwasaarihii markaas cusbaa Cali Maxamed Geeddi ayaa garoonka ku qabtay isu soo bax balaaran oo lagu taageerayay, balse duqeymo lala eegtay ayay dadna ku dhinteen, kuwa kalena ku dhaawacmeen.

Saldhig Ciidan

Qoraalka sawirka,

Garoonka waxa uu leeyahay gidaaro waaweyn oo rasaasta celin kara, waxaana loo arkay in uu ku habboonyahay saldhig ciidan

Inta badan garoonka waxa uu saldhig u ahaa ciidamo kale duwan oo dalka siyaabo kala duwan u yimid, markii koowaad sanadihii sagaashamaadkii waxa uu garoonka saldhig u noqday ciidamadii nabad illaalinta Qaramada Midoobay, gaar ahaan kuwii ka socday dalka Pakistan.

Ciidamada Itoobiya markii ay Muqdisho galeen ayay halkan ayay saldhig ka dhigteen, waxaa kale oo meesha xarun tabobar ciidanka ah ka dhigtay ururka Alshabaab.

Sanadii 2011-kii ayay ciidamadda AMISOM fariisin ka dhigteen garoonka oo leh gidaaro waaweyn oo gabbaad u noqon kara cid kasta oo gudaha u gasha.

Dib usoo kabashada Ciyaaraha

Sanadihii dhawaa waxaa magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka ka hano qaaday ciyaaraha kubbadda cagta iyo kuwa kale, waxaana xitaa la qabtay ciyaaraha gobolada dalka oo sanadkiiba mar la qabto.

Waxaa in badan cabasho laga qabay goobihii ciyaaraha oo qaarkood burburay, qaarkoodna ciidanka ay dageen.

Garoonka kaliya ee ciyaaraha lagu qabanayay ayaa ahaa kan Koonis ama Banadir Stadium, kaas oo aad uga yar kan Muqdisho ee maanta dib loo furey.