Heshiiskii qaran ee xisbiga Dimuqraadiga uu sameeyay 1968: 'isbuucii isir nacaybka'

Dad isugu soo baxay beerta Chicago

Xigashada Sawirka, DENNIS BRACK / UT AUSTIN'S BRISCOE CENTER

Qoraalka sawirka,

Dad isugu soo baxay beerta Chicago

Xilli ay ka soo wareegeen 50 sano, heshiiskii xisbiga Dimuqraadiga ee dhacay sannadkii 1968-kii wali wuxuu saameyn xun ku leeyahay mugdina galinayaa siyaasadda Mareykanka, sida uu qoray James Jeffrey.

Xisbigan oo ka mid ah labada xisbi ee ugu waaweyn dalka Mareykanka ayaa taageerayaal badan ku lumiyay tallaabooyinki uu qaadi jiray xilligaas markii uu gacanta ku hayay maamulka.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda Mareykanka ayaa mar walba tusaale u soo qaata taariikhdaas, iyagoo sabab uga dhiga guul darrooyinka siyaasadeed ee mararka qaar soo wajaha xisbiga Dimiuqraadiga.

Ma fiicneyn Calaamadaha muuqday wixii ka horreeyay heshiiskaas ay xisbiga Dimuqraadiga ku saxiixeen shirkii magaalada Chicago ka socday intii u dhaxeysay 26-kii ilaa 29-kii bishii Agoosto ee sannadkii 1968-kii.

Mudaharaadyo looga soo hor jeedo dagaallada ayaa magaaladaas ka billowday hal isbuuc ka hor shirkaas, waxayna dadka dibad baxayay wacad ku marayeen in ay baddali doonaan qorsheyaasha xisbigaas uu ka lahaa dagaalkii Vietnam ee naceybka loo qabay uu sii kordhayay.

Waxaa abuurmay xisbiyo dhanka bidix ah oo u badan dhallin yaro oo ay ka mid ahaayeen xisbiga Youth International Party iyo axsaab kale oo la aasaasay sannadihii 1960-meeyadii, kuwaasoo dhammaantood ka soo hor jeeday dagaalka ay ku jirtay dowladda Mareykanka.

Qaar ka mid ah xisbiyadaas waxay diiradda saarayeen sidii ay u baabi'in lahaayeen heshiiskaas halka kuwa kalena ay ku howlanaayeen in ay dhanka siyaasadda loollan ku galiyaan xisbiga talada haya.

Xigashada Sawirka, Dennis Brack / UT Austin's Briscoe Center

Waxaa la isla dhex marayay warar ku saabsanaa in mudaharaadeyaasha ay weerar ku qaadi rabeen wufuudda ka qeyb galeysay shirkaas u socday xubnaha xisbiga Dimuqraadiga.

Badhasaabka hadalka kulul ee magaalada Chicago Richard Daley wuxuu xilligaas aad ugu mashquulsanaa xakameynta rabshadaha iyo mudaharaadyada.

Qorsheyaashii uu dibad baxyada u diyaariyay waxaa ka mid ahaa in uu howl galiyay dhammaan ciidamada booliska magaalada oo ay tiradooda ahayd 12,000 oo askari, si ay ula tacaalaan mudaharaadyada.

Waxaa kale oo gacan siinayay 6,000 oo ciidamada waardiyeyaasha ah oo hubeysan iyo 1,000 askari oo ka tirsanaa laamaha sirdoonka ee FBI-da, CIA-da iyo ciidanka badda.

6,000 oo ka mid ah milatariga Mareykankana waxaa la galiyay heegan.

Sawir qaade lagu magacaabo Dennis Brack oo muuqaallo ka sameynayay shirkaas taariikhiga ah ayaa sheegay in booliska la tacaalayay mudaharaadyada ay dadka u arkayeen sidii xayawaanno gadoodsan oo kale.

Bandhow habeenkii billaabanayay 11pm ayaa lagu soo rogay guud ahaan magaalada Chicago.

Xigashada Sawirka, DENNIS BRACK / UT AUSTIN'S BRISCOE CENTER

Qoraalka sawirka,

Dad dhaawacmay magaalada Detroit rabshadihii 1967

Waxa ugu daran waxay ahaayeen rabshadihii dhiigga uu ku daatay ee dhex maray booliska magaalada iyo mudaharaadeyaasha, kuwaasoo saameynta xun ee ka dhalatay uusan ilaa maanta ka soo kabannin xisbiga Dimuqraadiga.

"Isbuucaasi wuxuu ahaa kii ugu naceybka badnaa ee abid isoo mara" ayuu yiri Mr Brack..

Wuxuu sidoo kale ku tilmaamay in dhacdadaas ay ka mid tahay kuwii ugu xumaa ee soo maray taariikhda Mareykanka.

Sannadkii ka horreeyay ee 1967-kii waxaa Mareykanka ka dhacay rabshado dhiig ku daatay oo u dhexeeyay booliska iyo dadka madow ee Mareykanka.

Sidoo kale horraantii 1968-kii waxaa caasimadda Washigton ka dhacay mudaharaadyo rabshado watay oo daba socday dilkii bishii Abriil loo geystay Dr Martin Luther King oo ahaa wasiir ka soo jeeday Mareykanka Madow.

Xigashada Sawirka, DENNIS BRACK / UT AUSTIN'S BRISCOE CENTER

Qoraalka sawirka,

Booliiska rabshadaha ka hor taga sannadkii 1968

Bishii Juun ee isla sannadkaasna waxaa toogasho lagu dilay senator Robert Kennedy oo isagana ka soo jeeday Mareykanka caddaanka ah.

25-kii bishii Agoosto, hal maalin ka hor inta uusan billaabanin shirka laga soo saaray heshiiska qaran waxaa fagaaraha beerta lagu nasto ee Lincoln ku bannaan baxay ku dhawaad kun qof oo ay iska hor yimaadeen 500 oo boolis ah.

Dadka dibad baxayay oo ka tallaabsaday amarkii bandowga ayaa markii dambe la wareegay fagaaraha iyagoo ku qeylinayay hal ku dhigyo looga soo hor jeeday madaxweynihii Mareykanka ee xilligaas Lyndon Johnson.

Mudaharaadeyaasha ayaa madaxweynaha ku eedeynayay inuu raalli ka ahaa waxa ay ku tilmaameen xasuuqa loo geysanayay shacabka.

Xigashada Sawirka, Courtesy of UT Austin’s Briscoe Center

Qoraalka sawirka,

.

27-kii isla bishaas ayuu mudaharaad kale oo rabshado wata ka qabsoomay isla fagaaraha Lincoln Park halkaasoo ay tageen kumannaan ruux, waxayna dibad baxayaasha diideen in ay u hoggaansamaan amarka bandowga.

Booliska oo sunta dadka ka ilmeysiisa adeegsaday ayaa ku guuleystay in ay halkaas ka eryaan 3,000 oo ruux oo u badanaa dhallin yaro, iyagoo xabsigana u taxaabay 140 qof.

Eedeymaha loo jeedinayay dowladda waxaa ka mid ahaa in aysan waxba ka qabannin sida qallafsan ee ay ciidamada ula dhaqmayeen shacabka.

Barfasoorka culuumta taariikhda ka dhiga jaamacadda Texas oo lagu magacaabo James Galbraith kana qeyb galay shirkaas isagoo 16 sano jir ah oo aabihiis la socday ayaa sheegay in isbuucaas magaalada Chicago lagu soo rogay cuna qabateyn rasmi ah.

Isku dhacyada ayaa intii uu shirka socday ka dhacay meelo kale oo ka mid ah magaalada.

Xigashada Sawirka, Courtesy of UT Austin’s Briscoe Center

Qoraalka sawirka,

Wariye Dan Rather oo la riixriixay

Mudaharaadeyaasha qaarkood ayaa isku dayay in ay xoog ku galaan hoolka uu shirka ka socday in kastoo laga hor istaagay.

Dowladda oo dhagaha ka fureysatay dhammaan eedeymaha loo jeediyay ayaa shirka ku soo gaba gabeysay heshiiska caanka ah ee loo yaqaanno "1968 Democratic National Convention"

Doorashadii xigtay ee dalka Mareyknaka ka dhacday sannadkii 1972-kii ayay xisbiga Dimuqraadiga durba kula kulmeen guul darro aad u baaxad weyneyd.

Richard Nixon oo ka socday xisbiga jamhuuriga ayaa cod aqlabiyad ah uga guuleystay murashaxii ka socday xisbiga Dimuqraadiga ee lagu magacaabi jiray George McGovern.

Madaxweyne Nixon ayaa codadkii guud ee la dhiibtay ka helay 520 halka McGovern uu helay 17.

Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa u arka in xisbiga Dimuqraadiga uu casharrpo badan ka bartay dhacdadaas.

Xigashada Sawirka, Courtesy of UT Austin’s Briscoe Center

Qoraalka sawirka,

Bogga hore ee wargayska The New York Times, ee soo baxay sannadkii 1968

Xigashada Sawirka, Courtesy of UT Austin’s Briscoe Center

Qoraalka sawirka,

Sawiro muujinaya siyaasadihii cakirnaa ee shirweynihii xisbiga dimoqoraadiga ee dhacay 1968