Koombiyuutar saadaalinayo cudurka daacuunka oo la sameeyey

Qoraalka Muuqaalka,

How weather forecasts are used to prevent cholera outbreaks

Koombiyuutarkan cusub ee dhawaan la soo saaray oo marki ugu horreysay lagu tijaabiyey dalka Yemen wuxuu suurageliyey in laga sii hortago cudurka daacuunka inta uusan dillaacin. Maadaamaa uu Koombiyuutarka uu cudurka sii saadaalinayo inta uusan dillaacinba.

Sanadki tagay dalka Yemen oo keli waxaa cudurka Daacuunka oo ka dillaacay uu ku dilay dad ka badan 50,000 oo qof.

Sanadkan marki Koombiyuutarkan la hirgeliyey tirada dadka u dhimanayey cudurka daacuunka waxay sanadkan hoos u dhigtay 2,500.

Koombiyuutarkan wuxuu si weyn uu u fudueeyn doonaa howlaha ay qabanayaan xirfadlayaasha caafimaadka ee ka shaqeeya howlaha gurmadka la xidhiidha ka hortagga cudurka daacuunka.

Gaar ahaanna Koombiyuutarku wuxuu awood uu u leeyahay xilliyada uu roobku da'ayo inuu saadaaliyo cudurka inuu dillaaci karo iyo inkale, haddii uu wax astaan ah uu la kulmana markiba wuxuu Koombiyuutarku wargelinayaa xirfadlayaasha Caafimaadka.

Koombiyuutarka ayaa si weyn caalamka looga soo dhaweeyey oo lagu tilmaamay inuu yahay mid waxtar weyn u leh gargaarka caafimaadka ee la fidinayo.

Sanadki tagay oo keli ah dalka Yemen cudurrada biyaha ka dhasha waxay saameeyeen dad ka badan milyan qof iyada oo ay u dhinteen 2,000 oo qof oo carruur u badnaa.

Qoraalka Codka,

Yemen: Colaad iyo daacuun is biirsaday

Tirada dadka u dhintay cudurka daacuunka ee dalkaasi Yemen ayaa wuxuu noqday tiradi ugu badneyd ee dunida soo marta.

Kombiyuutarka siduu u shaqeeyaa?

Halki Koombiyuutarna wuxuu awood uu u leeyahay inuu saadaaliyo dhula dhan 10 km.

Wuxuuna Koombiyuutarka uu soo gudbinayaa roobka di'i karo inta uu la egyahay, daadaka ka dhalan karo, halka ay daadadkaasi ku shubmayaan iyo sida cudurka daacuunka uu uga iman karo sidaa ayey shaqaalaha caafimaadkana ay ku qaadayaan wixi tallaabba oo ay uga diyaar garoobayaan cudurka halkaa ka dillaaci karo iyaga oo ka duulayo xogta uu Kombiyuutarku siiyey.

Xigashada Sawirka, MET OFFICE

Qoraalka sawirka,

Saadaasha roobka uu Koombiyuutarka cusub sameeyey

Shaqaalaha xirfadlayaasha caafimaadkana ee ku sugan Yemen si weyn ayey u soo dhaweeyeen Kombiyuutarkan cusub.

Xigashada Sawirka, UNICEF

Qoraalka sawirka,

Yemen sanadki hore waxaa ka dillaacay daacuunki ugu weynaa ee dunida soo mara

Sanad kasta waxaa cudurka Daacuunka heer calami ugu dhinta 30,000 oo qof, dadkaasi oo u badan dadka ku nool qaaradaha Koonfurta Aasiya iyo Afrika