Diiqii madoobaa ee dhalinyarada xabsiga dhigay

Diiq (diig)

Xigashada Sawirka, MyLoupe

Qoraalka sawirka,

Diiq (diig)

Seddex dhalinyaro oo dalka Giini u dhashay oo Ra'isal wasaaraha dalkaasi hadiyad u guddoonsiiyey diiq madoow ayay booliska dalkaasi xabsiga dhigeen.

Arrintan waxay dalka Giini ka dhacday dabayaaqada toddobaadkan.

Ra'isal wasaaraha dalka Kasiri Fofina ayaa wuxuu booqasha ku marayey magaalada Kaankaana oo ku taallo bariga dalkaasi , waa xilliga ay seddexda dhalinyarada ah ra'isalwasaaraha ay hadiyad ahaan u guddoonsiiyeen diiqa madoow.

Dad goob joog ahaa ayaa waxay sheegeen hadiyadda marka la guddoonsiiyey waxyar un kaddib iney ilaalada Raisulwasaaraha ay dhalinyaradi seddexda ahayd ay xabsiga dhigeen.

Dalka Giini waxay caadi u leyihiin diiqa madoow inuu astaan u yahay nasiibka xun oo afka dalkaasi Giini looga yaqaanno (Milki).

Dhalinyarada sababta ay xabsiga u meutesteen ayaa la sheegay iney tahay iyaga oo ra'isuwasaarihi dhamaa ee dalka nasiib xun u rajeeyey meel fagaara ahna ku guddoonsiiyey diiqa madoow.

Seddexda dhalinyarada ah oo maalin ku jiray xabsi ayaa waxaa damiin lagu sii daayey maanta gelinki dambe iyada oo weliba looga degay iney hadda kaddib ay isku dayin iney qaadaan tallaabba noocaasi.

Waxaana dib looga soo celiyey diiqi ra'isal wasaaraha ay guddoonsiiyeen ee sababta u ahaa iney maalin xabsi galaan.