Askar iyo rayid ku dhintay dayaarad milateri oo ku dhacday Addis Ababa agteeda

Burburka dayaaradda Helikobtarka

Xigashada Sawirka, Fana Broadcasting

Qoraalka sawirka,

Burburka dayaaradda Helikobtarka

18 qof ayaa dhintay, ka dib markii helikobtar uu milaterigu leeyahay ay ku burburtay duleedka caasimadda Itoobiya e Addis Ababa.

Maamuleyaasha ayaa sheegay in cidina aysan ka badbaadin shilkaas.

Sida uu ku soo warramayo wariyaha BBC Emmanuel Igunza, saraakiisha ayaa sheegay in dayaaradaas milateriga ay ka soo duushay magaalada Diri-dhabe ee bariga Itoobiya oo ay kusii jeedday magaalada Addis Ababa markii ay ku dhacday Bariga Shoa ee gobolka Oromia.

Dhamaanba rakaabkii saarnaa ayaa dhintay.

Warar deegaanka laga helayo waxay sheegayaan in 15 askari iyo seddex qof oo rayid ah ay saarnaayeen.

Sababta shilka dhalisay weli lama ogaan, laakin saraakiil sare ayaa sheegaya in baareyaasha iyo kooxaha baadigoobka iyo samata bixinta loo diray halkaas.

Halkan ka daawo sawirrada

Xigashada Sawirka, Fana Broadcasting

Qoraalka sawirka,

Burburka dayaaradda Helikobtarka

Xigashada Sawirka, Fana Broadcasting

Qoraalka sawirka,

Burburka dayaaradda Helikobtarka

Xigashada Sawirka, Fana Broadcasting

Qoraalka sawirka,

Burburka dayaaradda Helikobtarka

Xigashada Sawirka, Fana Broadcasting

Qoraalka sawirka,

Burburka dayaaradda Helikobtarka