Kanye West oo ka jawaabay su'aashii Jimmy Kimmel uu ka weydiiyey Donald Trump

Trump iyo Kanye West

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Trump iyo Kanye West

Kanye West ayaa muddo ka dib jawaab u helay su'aal ku saabsnayd Donald Trump oo uu weydiiyay saxafi Mareykan ah oo lagu magacaabo Jimmy Kimmel.

Kanye ayaa sheegay "inaan la siinin fursad uu ku jawaabo" markii Kimmel uu weydiiyay sababta uu ugu maleynayo in madaxweynaha uu dan ka leeyahay dadka madowga ah.

Fannaankan heesaha rap-ka qaada ayaa ilbiriqsiyo aamusnaa marki su'aashaas la weydiiyay isagoo barnaamijka telefishinka toos ugu jiray, waxaana waxaana Kimmel uu markii dambe barnaamijka galiyay qadar nasasho ah.

Mar kale ayaa isla su'aashaas lagu weydiiyay wareysi kale oo ay la yeelatay idaacad Mareykan.

Markii uu aamusnaa 25 ilbiriqsi oo kale ayuu ku jawaabay: "Waxaan dareemayaa in uu dan ka leeyahay isla sida ay dadka madowga ah dan uga leeyihiin isaga."

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Kanye West

Kanye ayaa idaacadda 107.5 WGCI Chicago u sheegay in Mr Trump uu ogyahay sida uu ugu baahan yahay taageerada dadka madowga ah ee Mareykanka.

"Wuxuu rabi lahaa in dadka madowga ah ay jeclaadaan sidii ay sameeyeen markii uu ka heli jiray heesaha rap-ka, wuxuuna sameyn doonaa waxyaabaha muhiimka ah ee taas lagu suurta galin karo."

Mr Trump ka hor inta uusan noqonin madaxweynaha waxaa lagu tilmaami jiray inuu yahay qof aad uga hela heesaha rap-ka ee ay qaadaan Kanye, Ludacris iyo Lil Wayne.

Kanye ayaa intaas ku daray: "Wuxuu rabaa inuu noqdo madaxweynihii ugu fiicnaa ee Mareykanka wuuna ogyahay ineysan taas u suurta gali karin taageerada bulshada madowga ah la'aanteed, marka taas ayaa ah waxa looga baahan yahay inuu ka shaqeeyo" ayuu yiri.

Kimmel ayaa aamusnaanta Mr West uga hadlay wareysi uu siiyay warbaahinta The Daily Beast.

"Waxay ila tahay in Kanye uu leeyahay aragti aan is baddalin marka la wareysanayo, wuxuuna fikradihiisa si joogto ah ula wadaagaa dadka. Marka jawaabtii uu idaacaddaas siiyay ma ahan mid aan ku raacsanahay," ayuu yiri wariyahan qabta barnaamijka soo gala xilliga dambe ee habeenkii.

"Waxaan dareemay in aamusnaantiisi hore ay jawaab u ahayd su'aasha" ayuu yiri.

Intii uu socday wareysiga dambe ee ay idaacadda la yeelatay ayuu fannaanka raalli gelin uga bixiyay hadallo uu horay uga yiri arrimo ku saabsanaa dhaqankii addoonsiga.