Meheradaha dadka ajnabiga ah ee Soweto oo la bartil-maameedsaday

Ganacsade Soomaali ah oo lagu dhaawacay magaalada Soweto. Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ganacsade Soomaali ah oo lagu dhaawacay magaalada Soweto.

Saddex qof ayaa lagu dilay dalka Koonfur Afrika intii ay socdeen rabshado arbacadii dalkaasi ka dhacay oo lagu bartilmaameedsaday ganacsi ay lahaayeen dad ajaanib ah oo ku sugnaa magaalada Soweto, sida ay Booliisku sheegeen.

Dadka wax bililiqaystay ayaa ka qaatay alaabo fara badan dukaamo ay lahaayeen dad ajaanib ah oo kuyaal magaalooyinka Soweto, iyo Johannesburg, 29-kii August 2018. Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dibadbaxyada ayaa dillaacay kadib markii la sheegay in dukaanleydu ay gadaan cuntooyin dhacay, sida ay sheegayaan wararka laga helayo dadka deegaanka. sida la rumaysan yahay rabshadaha ayaa qarxay kadib markii nin Soomaali ah oo halkaas dukaan kulahaa uu toogtay nin dhalinyaro ah oo isku dayey in uu boobi dukaankiisa.
Dukaamadii ajaanibta ayaa la bililiqaystay, waxaana kamid ah dukaankaan oo uu lahaa nin Itoobiyaan ah. Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dukaamadii ajaanibta ayaa la bililiqaystay, waxaana kamid ah dukaankaan oo uu lahaa nin Itoobiyaan ah.
Booliiska ayaa xiray 27 qof oo ku lug lahaa boobka iyo rabshadaha. Sanadkii 2008, 62 qof ayaa la dilay, 41 ayaa ajaanib ahaa halka 21 kale ay u dhasheen dalka Koonfur Afrika. Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Booliiska ayaa xiray 27 qof oo ku lug lahaa boobka iyo rabshadaha. Sanadkii 2008, 62 qof ayaa la dilay, 41 ayaa ajaanib ahaa halka 21 kale ay u dhasheen dalka Koonfur Afrika.
Booliiska oo baaraya dad looga shakiyey Rabshadaha. Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Booliiska oo baaraya dad looga shakiyey Rabshadaha.
A South African police officer holds a rifle as he stands in Soweto Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Security has been stepped up following the protests and violence and shopkeepers were told to temporarily close their businesses.
Sarkaal kamid ah Booliiska Koonfur Afrika oo hortaagan dukaan la bililiqaystay oo kuyaal magaalada Soweto. Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption qaar kamid ah ganacsata oo ka cabsi qaba rabshado hor leh. " Dawlad kama jirto halkaan, haddi halkaan ay dawlad kajiri lahayd , waxay xakamayn lahayd waxa dhacaya" qof kamid ah ganacsata ayaa hadalkan laga soo xigtay.
Booliiska Koonfur Afrika oo xakamaynaya dad isku soo xoomay oo dhooban banaanka hore ee dukaamo la bililiqaystay oo kuyaal magaalada Soweto. Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Waxaa jira Cabsi laga qabo in ay rabshaduhu kusii faafaan qaybo kamid ah dalka, sidii dhacday sanadkii 2008, sida u sheegayo Wariyaha BBC-du.
Masuuliyiinta deegaanka ayaa sheegay in ay xaqiijinayaan wararka Sheegaya in ganacsatu ay iibinayeen alaab dhacday. Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Masuuliyiinta deegaanka ayaa sheegay in ay xaqiijinayaan wararka Sheegaya in ganacsatu ay iibinayeen alaab dhacday.

Pictures from AFP and Reuters

Mowduucyada la xiriira