Somaliland oo ku dhawaaqday tirakoobka hantida ma guurtada ah ee danta guud

Cabdirashiid Qambi

Xigashada Sawirka, Youtube

Qoraalka sawirka,

Cabdirashiid Qambi

Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax banaanida ee Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqday olole soconaya muddo seddex todobaad ah, kaas oo markii ugu horraysay lagu diiwaan galinayo hantida ma guurtada ah ee dawladda iyo dhulalka danta guud.

Ololaha ayaa looga dhawaaqay xarunta madaxtooyada ee Hargaysa, waxaana wasiirka hawlaha guud iyo guriyeynta Somaliland, Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi uu BBC u sheegay inay daba socdaan "boobka hantida dawladda ee ma guurtada ah ee 28kii sano ee u dambeeyey".

Hantida ayuu u kala saaray dhismayaal sida iskuullo, isbitaallo IWM, iyo dhulal banaan oo ay dawladdu leedahay.

Qoraalka sawirka,

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi, oo ka ku dhawaaqay ololaha diiwaan gelinta hantida dawladda

Cabdirashiid Qambi wuxuu intaa ku daray in wixii maamulladii hore ay bixiyeen laga saari doono hantida ay daba joogaan.

"Wixii uu madaxweyne bixiyey ee sifo sharci ah ku baxay waan ka haraynaa" ayuu yiri.

Wuxuu kaloo ka hadlay xiriirka u dhaxeeya ayaga iyo dawladda hoose, wuxuuna qiray in uusan fiicnayn.

"Wixii ku saabsan maamulka hantida ma guurtada ee shacabka dawladda hoose ayaa shaqo ku leh, wixii dan guud ahna annaga ayaa shaqo ku leh" ayuu yiri.

Qoraalka sawirka,

Kooxda ka hawl galaysa ololaha tiro koobka hantida ma guurtada ah ee dawladda