Mashruuc Shiinuhu ka hirgaliyey Soomaaliya 40 sano ka hor iyo Cige
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhegeyso: Dhismaha waddada Beledweyne - Burco ee Shiinuhu uu dhisay 40 sano ka hor iyo Cige

Magaalada Beijing waxaa ka furmaya shirka Shiinaha iyo dalalka Afrika oo sannad kasta la qabanayey dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay.

Arrimaha ugu muhiimsan ee lagu soo qaadayo waxaa ka mid ah mashaariicda uu shiinuhu ka wado qaaradda iyo kuwo cusub oo hor leh oo la filayo in uu ballan qaado.

Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka uu shiinuhu mashaariicda waaweyn ka fuliyey, waxaana ka mid ah dhismaha waddooyin ay ka mid tahay waddada isku xirta Beledweyne iyo Burco, taasoo dhererkeedu dhan yahay 967 KM.

Mashruucaas oo uu shiinuhu ugu deeqay Soomaaliya waxaa ku baxay 527,550,000 oo shilinka Soomaaliga ah, waxaana la soo gabagabeeyey Maajo 1978, isagoo soo billowday Luulyo 1973.

Ra'iisul wasaare ku xigeenkii Shiinaha ee xilligaas ayaa xarigga ka jartay mashruuca, waxaana tabinayey wariye Axmed Siciid Cige oo markaas laga soo beddelay Raadiyo Muqdisho.